Agaasimaha Waaxda Dhulka ee Wasaarada Hawlaha Guud oo Mar kale ka hadlay War ku soo baxay Wargayska Hubaal
Hargaysa 17.March (SDN Agaasimaha Waaxda dhulka iyo Gur-yaha ee wasaarada hawlaha Guud Inj,Maxamud Maal Cali , oo uu weheliyo isuduwaha Gobolka ee wasaarada hawlaha Guud, ayaa been aan waxba ka jirin ku tilmaamay war ku soo baxay maalintii khamiistii wargeyska HUBAAL ee ka soo baxa hargeysa ,kaasi oo sheegaya inay wasaarada hawlaha Guud Iibisay Gurigii Hoyga ee kal-kaaliyayaasha Caafimaad ahaan jiray.
Agaasimaha waaxda dhulka iyo Gur-yaha Enj, Maxamuud Maal oo halkaa ka hadlay, ayaa waxa uu sheegay ,inay wasaarada hawlaha Guud u diiwaan gashan yihiin wixii guryo ay dawladu leedahay oo ay iyadu mas’uul uga tahay Qaranka,waxaanuu intaa ku daray in dhamaan guryaha dawladda ee dhammaan dalka ee u diiwaan gashay wasaaradda ay dhan yihiin kun saddex boqol iyo shan guri,isla markaasina loogu tala galay guryaha dawladda inay manaafacaad-sadaan shaqaalaha dawladda, balse intii dalka dib loogu soo noqday ay iska degeen shakh-siyaad gaar ah, sidaas darteedna ay wasaaradu dadkaasi ku jira guryaha ay kiro ka qaado.
Agaasimaha oo ka hadlayey Guriga la sheegay inay wasaaradu Iibisay waxa uu sheegay, inuu gurigaasi ku jiro qof muwaadin ah ,lana mariyey sifihii sharciga ahaa ee wasaarada,lagana qaado kiro,. Sida guryaha kale ee dawladda.waxaanuu intaa ku daray in qofka ku jira iyo wasaaradu ay kala saxeex-deen heshiis dhigaya, inaanu kirayn Karin, Iibin Karin, sife kalena u isticmaali Karin gurigaasi.Enj,Maxamnuud oo la hadlayey war-baahinta maxaliga ah waxa uu u soo jeediyey inay haboon tahay in marka ay War cid khuseeya qorayaan ay marka hore la soo xidhiidhaan cidda warkaasi khuseeyo, si aanay u dhicin inay wax leex-daan oo ay wax khaldan oo aan dhab ahayn inay qoraan fogaadaan
Hargaysa SDN.
qurbejoog@gmail.com