|

Agaasimaha Shirkadda Daallo oo ka hadlay Qarixii ka dhex dhacay Diyaaraddooda iyo Sababaha loo joojiyey Duulimaadyadii Muqdisho

Dubai 6. February,2016(SDN/QJ):–– Agaasimaha Guud ee Shirkadda Daallo Airlines, Maxamed Ibraahim Yaasiin (Colaad) oo ku sugan Magaalada Dubai ee Dalka Isku-tagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta ka warbixiyay Qaraxii Salaasadii  ka dhacay mid ka mid ah Diyaaradaha Shirkaddooda oo nooceedu ahaa A321, taasoo shilka kaddib si deg-deg ah ugu soo laabatay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Agaasimaha-Guud-ee-Shirkadda-Daallo-Mr.-ColaadColaad oo u Waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da ayaa sheegay in baadhitaanku uu weli socdo isla-markaana ay ka War-sugayaan warbixinta ay Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya, wuxuuna xusay in warbixinta ay kusoo bixi doonto muddo laba maalmood gudahood ah, baadhista socotana ay caddeyn doonto shilkii dhacay wuxuu ahaa.

“Baadhitaanka Qaraxii Diyaaraddayada ka dhacay weli wuu socdaa, meel wanaagsan ayuuna marayaa, welina go’aan kama dambeys ah lagama gaadhin, balse, ka war-sugaynaa Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya oo Warbixinnada oo dhan ay isugu soo ururi doonaan,” ayuu yidhi Colaad.

Mar la weydiiyay su’aal ahayd in baadhitaanka socda ay Shirkad ahaan ay qayb ku leeyihiin, ayuu ku jawaabay. “Haa… Qayb ayaan ka nahay baadhitaanka socda, Waxaa kaloo qayb ka ah shirkadda aan wada-shaqeynta leennahay iyo weliba hay’ado kale oo badan.”

Waxaa kaloo Agaasimaha Guud ee Daallo Airlines la weydiiyay waxay is-leeyihiin Dadka waa loo sheegi karaa oo ay hayaan, wuxuuna ku Jawaabay. “Dadka waxaa loo sheegi karaa,  weli ma cadda sababta uu qaraxu ka dhashay, laakiin, arimo badan ayaa farta lagu fiiqayaa, waxaana jira hadallo odhanaya inuu qarax ka dhacay diyaaradda, kuwo kale waxay leeyihiin wuxuu ahaa qarax ka dhex-abuurmay diyaaradda, laakiin, wax walba oo jira baadhista socota ayaa soo saari doonta.”

Sidoo kale, Maxamed Colaad ayaa ka hadlay Duullimaadyadii Muqdisho ay ku Tegi jireen, wuxuuna xusay inay hakiyeen duullimaadyadii ay ku tegi jireen Garoonka Muqdisho iyaga iyo shirkadda Jubba Airweys oo ay wada-shaqeyn leeyihiin, dibna ay kasoo sheegayaan xilliga la billaabi doono duulimaadyada.

Colaad ayaa mar kale la weydiiyay inay shacab badan oo ay qaadi lahaayeen ay ku xayiran yihiin meelo kala duwan oo dunida ah, sidaas awgeed inuu carrabka ku dhufan karo xilliga ay duulimaadyada dib u billaabi doonaan, ayuu sheegay inay qaadan karto maalmo kooban, ayna wax walba ku xidhan yihiin baadhitaanka socda sida lasoo Bandhigo iyo in Amniga guud ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo sida uu yahay laga sii adkeeyo.

Waxaa kaloo, Agaasimaha Guud ee Shirkadda Daallo Airlines la Weydiiyay waxay ka og-yihiin maydka Ruux Rakaabka ka mid ahaa oo Maydkiisa laga helay Aga-gaarka Degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe ee Soomaaliya, wuxuuna ku jawaabay, “Tirada rakaabkii Diyaaradda ruux ayaa ka maqnaa markii ay Muqdisho dib ugu laabtay… ninkaas maydkiisana waxaa gacanta ku haya Nabad-sugidda Soomaaliya, innaga nooma suuro-gelin inaan isku eegno sawirka ruuxan iyo maydkiisa, balse wax walba oo macluumaad ah oo ku saabsan Ruuxaan dhintay, sida Dukumiintiyadisii iyo Sawirkii aanu ka haynay waan wareejinay, Baadhista ayayna kusoo bixi doonaan, Waxyaabaha ay sugaynno ayayna ka mid tahay.”

Ugu dambeyn, Maxamed Ibraahim Colaad ayaa intaas ku daray inayna illaa hadda jirin cid soo sheegatay oo leh qof baa naga maqan. Wuxuuna Rakaabkan Geeriyooday ku socday dalka Jabuuti oo uu kasii raaci lahaa Diyaaradda Turkish Airlines.

Comments are closed