Agaasimaha Komiishanka Xakamaynta H.I.V/AIDS oo Socdaal ugu Kicitimay Wadanka Konfur Africa
Hargaysa 08.Dec 2013 (SDN)- Agaasimaha fulinta komishanka Aidska jamhuuriyadda somaliland Md Cabdi Cali Jaamac ayaa maanta u anbabaxay dalka koonfur afrika halkaas oo uu kaga qeyb gali doono shir calaamiya oo lagaga hadlayo xanuunka aafada H I V Aids ka.
Agaasimaha fulinta H I V Aidska md cabdi cali barkhad oo ka war bixiyay ujeedada safarka ayaa sheegay in somaliland ahaan si rasmiya loogu casuumay shirkaasi oo ay isagu iman doonaan dhamaan aduun weynaha hayada kasta oo ka hawl gasha amuuraha la xidhiidha aafada xanuunkaasi H I V AIDS ka.
waxaanu intaa ku daray in wadan kastaa uu la tagayo halkaasi xogta uu ka hayo saamaynta xanuunkaasi sidaa daraadeed waa goob wax badan laga soo faa faa iidayo maadaama ay ku kulmayaan dhamaan hayadaha ka hawl gala xanuunkaasi waxaana halkaasi laysku dhafsan doonaa macluumaad la xidhiidha xanuunkaasi.
Agaasimuhu waxa uu sheegay in halkaasi ay kusoo bandhagi doonaan daarsadaha iyo waxqabayada ay diyaariyeen sanadkan taasoo ah midi ay soo bandhigeen xuskii xanuunka H I V Aidska ee la qabaty horaantii bishan gabagbadii waxa agaasimuhu uu sheegay in ay halkaasi kulmo kula soo yeelan doonaan hayadaha samo falka iyo wadamada qaadhaan bixiyeyaasha ah ee wax ka qabta dhibaatooyinka xanuunkaasi iyo dadyowga uu haleelo oo ay weydiisan doonaaan in ay kordhiyaaan daryeelka ay u fidiyaan dadka la nool xanuunkaasi.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com