Agaasimaha Guud ee Wasaarraada Arrimaha Gudaha iyo Wasiirkiisa Oo Weerar Ku Qaaday Xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Guddoomiye Nuux Sheekh Muuse Oo Ka Ogolaaday Inuu Siiyo 20-Shaqaale ah
Hargeysa:22-Feb-2014(SDN)-Wali waxa Taagan Murankii iyo Isqabqabsigii ka Dhex Taagnaa 45-Ka Shaqaalaha ah ee Wasaaradda Arrimaha Guduhu qaadanayso oo Hay’adda Shaqaalaha iyo Wasaaraddu isku Haystaan.
Muddo Toddobaad ah waxa Xarunta Shaqaalaha ka Socday Hawlo Ballaadhan oo la xidhiidha sidii loo kala Hufi lahaa CV-yada Goobtaas la Keenay oo Tiradoodu Kor u dhaaftay ilaa 7000-kun, iyadoo shaqadaasna ay wadday Hay’adda Shaqaaluhu.
Laba Maalmood ka Hor ayuu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Guduhu Cabdisamad Cumar Maal uu Soo Galay Xarunta lagu Kala Hufayo CV-yada, isagoo Shaqaalihii Goobta Joogay ku Wargeliyey inaan Loo Baahanayn Shaqadan ay wadaan oo ay Dariiq qaldan marayaan.
Wararka Xaruntaas ku dhaw ayaa Qurbejoog.com u sheegay in ay Halkii isku Qabsadeen Agaasime Maal iyo Shaqaalihii Goobta joogay, waxana ay shaqaalihii Si Toos ah Ula Hadleen Guddoomiye Nuux Sheekh Muuse Ducaale oo si Degdeg ah soo Galay Goobtaas, Agaasimihiina ku Wargeliyey inuu ka baxo Meesha oo aanay wax shaqo ahi uga Bannnaanayn.
Agaasimiye Maal oo ay isku Hallayn badani ka Muuqatay ayaa ka Dhego adayagay Hadalkii Guddoomayaha Hay’adda Shaqaalaha, waxana uu ku sii Adkaystay Buuqii iyo Sawaxankii uu kula dhex jirey Shaqaalaha Hawsha kala Hufka ah Gacanta ku hayey, isagoo markii dambena Si Toos ah ula Hadlay Wasiir Warancadde oo Goobtii Wakhti yar ka dib soo Gaadhay.
Wasiir Warancadde ayaa ku Wargeliyey Guddoomiye Nuux Sheekh inaanu awood u lahayn inuu Shaqaalaha kaligii jaangooyo oo ay iyagu Talada Koowaad leeyihiin, waxana muran dheer kadib la isla Gartay in hoos la isu Fahmo qaab Saami lagu Waajaho Tirada Shaqaalaha ah ee Wasaaraddu Qaadanayso.
Wararka aanu hayno ayaa sheegaya in Wasiirka iyo Agaasimihiisa loo Ogolaaday inay 20-Ka mid ah shaqaalaha la qaadanayo Kaligood yeeshaan, halka Guddoomiye Nuux-na loo Ogolaaday inuu 25-ka kale ee Soo Hadhay xor u yahay.
Guddoomiye Nuux ayaa markii dambe arrintaas ku qancay, waxana la sila gartay in sidaas lagu kala Tago.
Farogelintan ay Madaxda Wasaaradda Arrimaha Guduhu ku Hayso Tiradan shaqaalaha ah ee ay qaadanayso, ayaa muujinaya inaan Haba yaraatee Daacad laga ahayn in Wixii shaqo ah ee Soo Baxa aan si Toos ah loogu tartami Karin oo ay Madaxda Haatan xilka Haysaa ciddii ay Doonaan Keenayaan.
Xafiiska Isku Magacaaba Shaqo Abuurka ee Sanadkii hore madaxweyne Siilaanyo magacaabay ayaan isagu wax tallaabo ah wali qaadin, waxana uu iska Daawanayaa Dhibka iyo caddaalad Darrada lagu Hayo Da’yarta Mutacallimiinta ah ee Shaqadii ay Xaqa u lahaayeen wasiirradu Madaxa ku Marteen.
S.D.N