Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo kormeer ku soo maray Deegaano ka tirsan Wajaale iyo Gabiley
Hargeysa, 27, Mar (SDN)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dr. Maxamed Maxamuud Caga wayne ayaa kormeer shaqo ku soo maray deegaanada xoolo-dhaqatada ah ee hoos yimaada Gabiley iyo Wajaale.
Kormeerkan ayuu agaasimaha Guud ugu kuu-galay xaaladda xoolaha nool ee deegaanadaas ku sugan, iyadoo xilligan ay xoolo-dhaqato tiro badani u soo hayaameen deegaanada Wajaale iyo meelo u dhaw jiidaas.
Bulshada xoolo-dhaqatada ah ee ku dhaqan deegaanka Botor iyo Banka Wajaale oo uu Agaasimuhu la kulmay ayay uga xog-warameen xaaladda ay ku sugan yihiin Xoolaha ku nool halkaas, gaa ahaan caafimaadkooda.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland ayaa sheegay in deegaanadaas uu soo maray ay Wasaarad ahaan u ballan-qaadeen inay u diri doonaan kooxo caafimaad oo ka taageeri doona baahiyaha ay Xooluhu u qabaan dhinaca caafimaadka.
SDN, Hargeisa Somaliland