Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista iyo Hawada Somaliland oo ka Waramay Mashaariicda Madaarada dalka Gaar ahaan ka Caasimada
Hargaysa 17.Dec 2013 (SDN)- Agaasimaha guud ee wasaarada duulista hawada iyo gaadiidka cirka jsl Md Cumer Cabdilaahi Aaden ayaa ka war bixiyay qorshihii waxqabad ee sanadka sii dhamaanaya ee 2013 ee wasaaradaasi.
Agaasimaha guud isagoo ka waramaya madaarka casimada hargaysa ee Egal International Airport waxa uu tilmaamay in la dhisay 1959 kii kaas oo aan helin wax dayac tir ah ilaa xiligaa waxaanu intaa ku daray agaasimuhu in maanta uu marayo meel ilaahay loogu shukriyo ka dib markii xukuumada talada haysaa ay ku dadaashay sidii ay u horumarin lahayd madaarka kaas oo ay soo fadhiistaan xiligan diyaarado waaweyn oo casri ah.
Agaasimaha guud waxa uu sheegay in amaanka madaarka ay si weyn u hagaajiyeen isalmarkaa ay ku sooo wareejiyeen xayndaab deyr silig ah kaasoo aanay suuro gal ahayn in xaywaanka iyo cid kale si sahal ay ugu soo gudubto.
Agaasimaha guud mar uu ka hadlaayay dayactirka iyo horumarinta lagu sameeyay madaarka caalamiga ah ee berbera waxa uu sheegay in loo dhisay terminal balaadhan oo casri ah waxaanu tilmaamay in kharashka ku baxay teerminaalkaasi uu dhamaa toban milyan oo doolar oo ay somalialnd ugu deeqday dawlada Kuwait waxaanu intaa ku daray in wasaarada loo dhisi doono dhisme casri ah oo ka koobnaan doona sdex dabaq.
Waxaanu gabagabdii ka waramay in qalabayn ay ku sameeyeen xafiisyada kala duwan ee wasaarada , tababaro ay u sameeyeen shaqaalaha wasaarada sidoo kalana ay ay dalka keeneen gaadiidka dab damiska , waxaanu intaa raaciyay in madaarka burco ay ku wareejiyeen silig ka ilaaliaya waxa soo galaya sida dadka iyo xoolaha kaas oo ay iska kaashadeen wasaarada iyo qurbo jooga gobolka togeer ee dibadaha , waxaanu sheegay in sanadka cusub ay meelo badan oo dalka ah wax ka qabanayaan gaar ahaan horumarinta madaarada dalka.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com