Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Somaliland Iyo Jabuuti oo Mansoor ku qaabilay hayad Dawooyinka soo saarta oo Britain laga leeyahay
Hargeysa Feb 12,2012(qurbejoog.com)-Agaasimaha Guud ee wasaaadda caafimaadka Jsland Mr,Axmed Cabdi Nuur, ayaa maanta ka qayb-galay kulan loo qabtay shirkadda Daawooyinka soo saarta ee G.S.K, ee dalka Ingiriiska, taasi oo ah shirkadda labaad ee shirkadaha soo saara daawooyinka dalka Ingiriiska, keeni doonta daawooyinka dalka Somaliland , kulan-kaasi oo lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa.
Kulankan oo ay ka soo qayb galeen dhammaan shirkadaha wadaniga ah ee daawooyinka soo waarida iyo gudoomiyaha guddiga siyaasadda dawooyinka ee wasaaradda caafimaadka,Wakiilka shirkadda G.S.K. ee Somaliland iyo Jabuuti, waxa ugu horayn ka hadlay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka,waxaanuu xusay in ay soo dhoweynayaan cid kasta oo dawooyin tayo leh dalka keenaysa, sidaasi darteedna waxaan soo dhoweynaynaa shirkada G.S.K. waxaanuu agaasimaha guud sheegay in ay uga mahad naqayaan Dr, Siciid oo ah wakiilka Shirkadda, isla markaasina ah Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Jabuuti sida wanaagsan ee uu shariikadda ugu soo xidhay dalka.
Waxa jake oo isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha gudiga siyaasadda daawooyinka wasaaradda caafimaadka Mr,Axmed cabdi Jaamac, waxaanuu sharax ka bixiyey howsha ay iyagu guddi ahaan qaabilsan yihiin isaga oo xusay in gaadh-layns daawooyinka ku wajahan oo uu qoray faafiyeena ay wada shaqayn la’aani kaga timid wasaaradaha qaarkood, taasi oo daawooyinka aad tidhaahdo yaan la soo daynin ogolaansho la’aan, ay dhacdo in wiilka kastamka joogaa is-ka so daayo,taasina ay wiiqid ku keentay howshooda ,waxaanuu intaa raaciyey in ay arintaasi ka wada shaqayn doonaan.
Waxaanuu ku baaqay in wada jir aynu uga wada hawl galo dadkeenana aynu ka ilaalino wixii caafimaad darro ku keenayo.Waxa isna halkaasi ka hadlay wakiilka shariikadda G.S.K. Dr, Siciid cumar,waxaanuu sheegay in shirkadan uu wakiil uga yahay Djabuuti haatana aanu wada galay ayuu yidhi in Somaliland iyana aanu xidhiidh ku yeelano.sdaasi darteed ayaan u keenay halkan Raggii Ka masuulka ahaa Gobolka Bariga afrika halkan keeno.
Waxa kale oo Dr, siciid sharax ka bixiyey faa’iidooyinka daawooyinka iyo muhimadda ay leedahay in muhimada la saaro ilaalinteeda.
Qurbejoog-Hargeysa