|

Agaasimaha Guud ee Caafimaadka oo furay tababar lagaga hadlayo Maaraynta Hab raaca Caafimaadka

Hargaysa 24.(SDN)   Agaasimaha Guud  ee wasaarada Caafimaadka Dr,Cabdi Axmed Nuur, ayaa maanta ka furay  Magaalada Hargeysa Kulan howleed  ku saabsan   xoojinta Maaraynta Hab-raaca caafimaadka.

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen Dhakhaatiir iyo saraakiil ka tirsan wasaarada Caafimaadka hadal uu halkaa ka jeediyey Agaasimaha Guud  Ee wasaarada caafimaadka Dr, Cabdi Axmed  Nuur, waxa uu sheegay in uu tababarkani  uu yahay mid muhiim ah ,laguna baranayo sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyada caafimaadka ee loo qabanayo Bulshada.

Agaasimaha Guud oo ka hadlayey  Ah-miyadda uu tababarkani leeyahay  waxa uu sheegay, in  macluumaadka lagu  baranayo ay ka mid yihiin, maaraynta iyo hogaaminta caafimaadka, Maaraynta  Xooga hawl-wadeenada caafimaadka iyo  Maaraynta Xogta caafimaadka.

Waxaana uu  intaa raaciyey in tababarkan haddii sidiisa looga faa’iidaysto macluumaadka lagu qaadanayo, ku hir-geli karaan  si wanaagsan oo taaba-gal ah, Waxaanuu kula  dardaarmay  ka qayb-galayaasha inay   ka faa’iiday-staan mac-luumaadka ay qaadanayaan.

 

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed