Agaasimaha cusub ee Wasaarada Ganacsiga oo xilkii la wareegay
Hargeysa April 01,2012(SDN)-Wasiirka Wasaaradda ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa maanta xaflad xilwareejin ah oo ka dhacday xarunta wasaaraddaasi xilkii ugu kala wareejiyey ku simaha agaasimaha guud Aadan Cilmi iyo agaasiamaha Cusub ee wasaaradaas Abiib Axmed Cali.
munaasabadaasi waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ay ka mid yahiin Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha warfaafinta, waxbarashada, Ciyaaraha, Qorsheynta qaranka, Agaasimaha guud ee Baanka iyo agaasimaha guud ee Wershadaha.
Wasiirka wasaaradda ganacsiga, Wershadaha iyo dalxiiska oo munaasabadaasi ka hadlaya ayaa sheegay in wasaaradan hawl badan u taalo isla markaana ay tahay wasaaradaha ugu muhiimsan wadanka, dhamaan mas’uuliyiintana laga sugayo inay ka midho dhaliyaan maalgashi lagu sameeyo dalkan oo ka mid ah wadamada soo koraya.
wasiirku waxuu ku baaqay inay lama huraan tahay in la dhamaystiro xeerarkii kala hagista ganacsiga, isagoo u balanqaaday agaasimaha cusub inay wasaaradu si wacan uga caawin doonto gudashada waajibaadkiisa.
xafladaasi waxaa sidoo kale ka hadlay agaasimaha guud ee wasaarada qorsheynta qaranka Cabdirashiid Axmed Guuleed waxana isagoo ku hadlayey afka agaasimayaashii guud ee xafladda soo xaadiray uu u sheegay Wakaalada wararka somaliland ee Solna in shaqaalaha wasaaradda ay wada shaqayn leeyihiin ayna hubaan inay si wacan ula haqayn doonaan agaasimaha cusub.
Agaasimaha guud ee cusub ee wasaaradaasi Abiib Axmed Cali oo isna munaasabaadi ka hadlay ayaa sheegay inay la socdaan xiligan inuu yahay mid ay wasaaradu ka hawlgelayso qorshaha shanta sano ee soo socda, wasaarad ahaana ay u diyaargaroobayaan gudashada mas’uuliyadaasi.
SDN-Hargeysa