|

AFRIKA: Xisaabaadka Ganacsiga Gaarka Loo Leeyahay oo la hubinayo

Addis Ababa 03. January, 2016 (SDN/QJ):- Gudiga la socodka dhaqaalaha afrika ee hoos tagta Qaramada Midoobay (Economic Commision for Africa) ayaa maalintii Jimcaha  waxa ay ku dhawaaqday in Itoobiya martigelin doonto kulan ay isiugu iman doonaan khubaro ku takhasusay hawlaha horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha.

economicKulankaasi waxaa si balaadhan loogu eegayaa hanaanka dabagalka xisaabaadka  waxyaabaha gaarka loo leeyahay ee dalalka Afrika iyo hubinta inay xisaabaadkaasi yihiin kuwo la mariyey qorshayaashii loo jeexay, iyadoo kulankaasi ka dhici doono Magaalada addis-ababa inta u dhexaysa 11-14 janaury, sida ay baahisay wakaalada wararka itoobiya ee ENA.

Gudiga dhaqaalaha afrika waxay sheegeen in ganacsiga gaarka loo leeyahay uu door weyn ku leeyahay dhaqaalaha afrika, sidoo kalena abuuro shaqooyin badan, dakhli soo saar, iyo adeegyo badan oo uu u qabto bulshada qaaradda, isagoo ganacsiga gaarka loo leeyahay yahay qaybta weyn ee wax soo saarka gudaha (GDP).

Ujeedada kulanka ayaa waxay kaloo saamyn ku yeelanaysaa sidii ay khubaradu u jeexi lahaayeen qorshe cad oo lagu wacyigeliyo faa’iidooyinka ku jira la socodka iyo sixitaanka xisaabaadka ganacsiga gaarka loo leeyahay iyadoo la is dhaafsanayo macluumaadka, iyadoo la qaadanayo manhajyada  iyo talaabooyinka ugu wanaagsan, iyadoo la muujinayo doorka ganacsiga gaarka loo leeyahay ku leeyahay xisaabaadka wadamada.

Gudigu oo ka hadlayey faa’iidada ku jirta kulankan waxay sheegeen inay xogaha kulankan laga soo saari doonaa ka taageeri doonaan Dalalka qaaradda afrika inay la socdaan qiyaasta deganaansha maaliyadeed ee ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo hantida kale ee la midka ah.

Comments are closed