|

AFRICOM oo ka walaacsan in Soomaaliya qaado dhabihii Afganistan

Muqdisho June 30, 2024(QJ)-Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay in kooxda Al-Shabaab ay ka faa’ideystaan ​​ka bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta Africa ee Soomaaliya, taasi oo la filayo in mas’uuliyadda amniga ku wareejiyaan ciidamada qaranka Soomaaliya.
General Michael Langley, Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa ka dhawaajiyay cabsi xoogan oo ku aadan xilliga ay Ciidamada Nabad Ilaalinta ka baxayaan Somaliya. Wuxuu carabka ku dhuftay khatarta joogtada ah ee Al-Shabaab.
General Langley ayaa xusay in laga yaabo in Al-Shabaab ay isku dayaan in ay la wareegaan gacan ku heynta dalka Soomaaliya hadii ciidamada nabad ilaalinta ay isaga baxaan dalka Soomaaliya.
Waxa uu isbarbar dhigay xaaladda Soomaaliya ay hadda ku sugan tahay iyo tan Afgaanistaan ​​oo Taliban ay la wareegtay markii ay isaga baxeen ciidamada nabad ilaalinta caalamiga ah.
Jeneraalka ayaa sidoo kale ku nuux nuuxsaday in Al-Shabaab laga adkaan karo hadii shacabka Soomaaliyeed ay taageeraan ciidankooda iyo dowladooda. Waxa uu xusay in Al-Shabaab ay mar hore lumiyeen kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.
Hadalkan ka soo yeeray Mareykanka ayaa imaanaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay codsaneyso in ciidamada nabad ilaalinta dalk laga saaro, isla markaana mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo ciidamada qaranka Soomaaliya.

Comments are closed