|

AFRICOM oo dafirtay dilka Dhakhaatiirtii Cuba

Djibouti June 11, 2024 (QJ) -Taliska Mareykanka Africa ayaa sheegay in aysan mas’uul ka aheyn dilka la sheegay in lagu dilay labo dhaqtar oo u dhashay dalka Kuuba, kaasi oo Al-Shabaab ay ku eedeysay Mareykanka in ay ku dileen duqeyn uu Mareykanka Soomaaliya ka fuliyay 15-kii bishii February ee sanadkan.

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa qiimeyntooda saddexdii biloodba mar ay soo saaraan ay ku xaqiijiyeen in 15-kii bishii February ay duqeyn cirka ah ka fuliyeen nawaaxiga degmada Jilib, balse waxay sheegeen in qiimeyntooda iyo dib u eegistooda ay ku ogaadeen in in aaney khasaare ka soo gaarin dad rayid ah.

AFRICOM waxay kaloo xustay inay soo gaba-gabeeyeen Qiimaynta Labo dhacdo oo kale oo dhacay 25-kii Janaayo iyo 22-kii bishii February ee sannadkan, kuwaasi oo ku kala dhacay Deegaannada Galhareeri iyo Kurtunwaarey, kuwaasi oo lagu sheegay inay dad rayid ah waxyeello u geysteen duqeymaha Maraykanka.

Mareykanka ayaa sheegay in qiimeyn iyo dib u eegis kadib ay ogaadeen in wax howlgal ah aaney ciidamadoodu ka fulin waqtiyada iyo goobaha la cayimay.

AFRICOM ayaa xustay in uu jiro kiis wali la qiimeynayo, faah faahintiisana lagu dari doono qiimeynta soo socota.

Labadan dhaqtar oo lagu kala magacaabo Assel Herrera iyo Landy Rodriguez ayaa bishii April 2019 Al-Shabaab ka afduubteen Waqooyi Bari Kenya.

Comments are closed