|

“Africa Hadii ay Xornimo rabaan Waa inay Dawarsiga Joojiyaan” Kofi Anan

Addis Ababa  02.May 2016 (SDN/QJ):- Kofi Anan, xoghayihii guud ee Qaramada Midoobay ee hore ayaa sheegay in dalalka Afrikaanka ah ay joojiyaan gacan hoorsiga iyo tuugsiga waddamada ajaanibta ah waa haddii ay rabaan madax bannaani..

 

Kofi AnnanWuuu yiri waa in waddamada Afrikaanku joojiyaan baryada iyo in koofiyadda lagu baryo tago, taasoo sumcaddii qaaradda oo dhan waxyeello gaarsiisay.

 

Hadalkan ayuu dhawaan ka sheegay shir ammaanka Afrika looga hadlo oo kusoo gabo gaboobay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

 

Waddamada Afrikaanka ah waxay arintaan uga gudbi karaan ayuu yiri inay dhisaan dhaqaalaha dalkooda iyo hay’adaha maaliyadda.

 

“ isma keenayso waxaan ahay waddan xor ah, haddana waxaan koofiyad la dhex wareegayaa caalamka, waa inaan hoggaanka qabaa dadka kalana ay na caawiyaan, taageeradaas waxay imaanaysaa marka nala arko inaan nahay dad wax qabsashadu dhab ka tahay” ayuu yiri Anan

 

Kofi Anan ayaa intaa ku daray in xubnaha waddamada AFrikaanka ah aysan bixin lacagihii uu ku lahaa midowga Afrika, taasina ay curyaamisay hawl socodkii ururka.

Comments are closed