‘’’Afkaygoow Qolo Ma Tihid,Qabiil Iyo Reer Ma Tihid,Adigu Waxaad Tahay Af Qudha’’ Hees Ka Hadlaysa Kala Qoqobka Af Somaliga & Kooxda Xidigaha Geeska DAAWO
Hargaysa 26. June 2017 (SDN/QJ):- Ujeeddo ahaan waa heestii ugu shislayd ee Xiddigaha Geesku beryahan qaadeen.
Waxa curiyay abwaanka halabuurrada Xiddigaha Geeska Abdirisaaq Xaamud Jaylaani. Waa foolaadka halabuurka casriga. Igula Ciida “Afkaygow qolo ma tihid”.
Afkaygoow Qolo Matihid
Qabiil.Iyo Reer Matihid
Qof Gaar Kuulihi Majiro
Dadkaaga Qaybsamoo
Qaloba qolo Diidantee
Adigu Waxadtahay Af qudha
Afkaygow Quus Hanoqon
Kolkay is Qardoofayaan
Shantii Qayb kuu lahayd.
Qayrkoodbaa Kala diloo
Reer reer bay isu quudhsadaane
Hamoodin inaad Qabyowday