|

Afhayeenkii Usamab Bin Laden Oo Xidhnaa Muddo 16-Sano ah Oo Haatan Xukun Lagu Riday

New York:Feb,27,2017(SDN/QJ)-Maxkamad ku taalla Magaalada New Yor, ayaa soo saartay Go’aanka xukun lagu riday Khalid Al Fawwazi oo la sheegayo inuu afhayeen u ahaan jirey Osama Bin Laden.

fawaazKhalid Al fawwazi  ayaa lagu eedaynayaa afhayeennimada ka sokow inuu qayb ka qaatay Qaraxyo sanadkii 1998-kii  ka dhacay Dalalka Kenya iyo Tanzania.

Khalid Al Fawwaz oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Sucuudiga ayaa lagu qabtay dalka Ingiriiska sanadkii 1999 wuxuuna xabsiga ku jiray muddo 16 sano ah.

Fawwaz ayaa la sheegay inuu kasoo shaqeeyey xarunta Al Qacida ku lahayd dalka Afghanistaan, sidoo kale uu xiriir toos ah la lahaa kooxdii fulisay weeraradii lagu qaaday safaaradaha Maraykanka ku lahaa Nairobi iyo Daara Salaam sanadkii 1998, qaraxyadaasi oo ay ku dhinteen dad gaadhaya 224 oo ay ku jiraan 12 Maraykan ah.

Sidoo kale waxaa ninkan lagu eedeeyey inuu afhayeen u ahaa Osama Bin Ladin hogaamiyihii Al Qacida isla markaana warsaxaafadeedka Al Qacida inuu saxaafada uga diri jiray xafiis uu ku lahaa London.

Inkastoo lagu helay danbiyadii lagu soo eedeeyey weli lama shaacin inta uu noqon doono xukunka ciqaabta ee lagu ridi doono, walow ay macquul tahay in lagu xukumo xabsi daa’in.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed