Afhayeenkii Madaxweynaha Somalia Daa’uud Aways oo Xil Kedisa ah ka Helay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia
Muqdisho 11.October 2016 (SDN/QJ):- Mid ka mid ah Wariyayaashii soo maray Idaacadaha Laanta afka Somaliga ee Bbcda & Voa ayaa waxa xil looga magacaabay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Somaliya.
Wariyahan oo lagu magacaabo Daa.uud Aways ayaa mudo dheer ka soo shaqaynaayay Idaacada Bbcda Isagoo Markii Danbena u Wareegay Laanta Somaliga ee VOA Sidoo kalena ahaa Afhayeenka Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud.
Wariyahan ayaana loo magacaabay La Taliye Sare Arrimaha Siyaasadda ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ee loo yaqaan UNSOM.
Waa Weriyihii u Horeeyay ee la Shaqeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo u Dalacay La Shaqaynta Xafiisyada Qaramada Midoobay