|

AFHAYEENKA XISBIGA WADDANI UK AYAA UGU BAAQAY WASIIR CUKUSE INUU BAADHITAAN CAD KU SAMEEYO WARBAAHINTA QARANKA SI UU U DHAMAYSTIRO DHAQ-DHAQAAQAN UU BILAABAY.

qaliWaxaan daah inaga saarnayn sidii Shacabka Somaliland meelkastoo ay joogaanba Gudo iyo Dibadba u soo dhoweeyeen uguna farxeen markii Tvga Qaran ee Somaliland National Television “SLNTV” bilaabay inuu gaadho oo laga daawado Wadamo badan oo Aduunka ka mid ah, kana furtay Xafiisyo goobo badan, sidoo kalena ku yeeshay Suxufiyiin uga soo warama qaybo badan oo Aduunka ka mid ah.
Waxaa loo baahan yahay in la xasuusto in bulshadu si wadajir ah u taageertay iyagoo u arkayey in Tvga yahay Hanti Qaran, kaasoo Bulshada u dhex ah, kana haqab tiri doona Wararka Dalkii Hooyo, Madadaalo, Murti, Culuun Diini ah iyo Raadraaca taariikhihii lumay. Waxa kaloo intaas wehelisay in dadkeena qurbajoogta ahi doonayeen inay uga faa’iideeyaan caruurahooda dhulalka ay joogaan ku dhashay ee ka aradan Afkii Hooyo, Dhulkeena bilicdasan iyo Dhaqankeena quruxda badan.

Kuma farxin markii Gabadhayda 9 jirka ah oon Cashar uga dhigay inay Maalintiiba Hal Saac daawato oo dhegaysato Wararka iyo Barnaamijyada kale ee ka baxa Tvga Qaranka, ay igu tidhi Aabo SNTV wararkiisu xiiso maleh “It’s boring”. Markaan weydiiyey waxa ka khaldana waxay iigu jawaabtay “Warar isku mid ah ayay maalin walba soo daayaan, iyo Dad isku mid ah”. Hadaan ka sii sheekeeyo waxii na dhexmaray Aniga iyo Gabadhayda 9 jirka ah waxaa hubaal ah in waalid badan oo qurbajoog ahi fahmi karaan. Balse kuwa gacanta ku haya Tvga waxaa suurtogal ah inay ka xanaaqaan maadaama khaladaadkoodii loo sheegay.

Hadaba maxaa ka khaldan Tvga Qaranka:
1) Warar aan Xiiso lahayn oo ka turjumaya hal dhinac oo qudha “Xukuumada” iyo inta ku wareegsan. U fiirsada Tvga kama hadlo qaybaha kale ee bulshada iyo Gobolada Wadankoo dhan.
2) Aqoonta Suxufiya Tvga oo hoosaysa, kuwaas oo wax aysan takhasus u lahayn faraha kula jira.
3) Barnaamijyada Tvga oo hooseeya, kana turjumayn xaqiiqo dhab, xogta wadanka iyo baahiyaha Bulshada.
4) Barnaamijyada Wacyigelinta iyo Aqoon kororsiga bulshada oon goobtaba la keenin.
5) Shaqaalaha Tvga oo qurbo joog u badan, kuwaas oo la siiyo lacag tiro badan iyo Naasnuujin hoose. Halka dhalintii wadanka ee cilmigan baratayi Badaha ku idlaanayaan.

Hadaan isku dayo inaan tiriyo waxa khaldan kama soo gayoonayno, balse “Caano Daatay Dabadiid la Qabay”.
Waxaan Wasiir Cukuse u soo jeedinaynaa inuu baadhitaan dhab ah ku sameeyo:
a) Dhaqaalaha ku baxa Tvga iyo Qaabka loo Maamulo.
b) Tababarka iyo Takhasusyada shaqaalahan Tvga ka dhigay hal dhinac oo u maleeyey inay sidan ugu badinayso.
c) In tvga loo furo dhamaan qaybaha bulshada oo uusan inaga noqon Raadyow Muqdisho oo ah qaabka uu hada yahay “Noolow ma Daale, Gudaha iyo Dibadaba……”. Soona ceshado taageeradii shacabka.
D) In tvga Qaranka aan laga hor istaagin Axsaabta Qaranka, lagana siiyo Saacado ay Qorshayaashooda Waxqabad iyo Sixid ka soo daayaan Tvga.
e) In baadhitaan lagu sameeyo in Tvga Qaranku uusan goobjoog ka ahayn Xiligii Gudoomiyaha Baarlamaanka oo hawlo shaqo ku maqnaa wadanka imanayey, lagana soo dayn wararka Tvga imaatinkiisii. Halka uu Badhasaabadu markay baxayaan iyo Imaatinkoodaba door weyn ka ciyaaro Tvga.
f) In Wasiir Cukuse dhamaystiro Saxida waxa khaldan hadiiba loo ogolaado oo uusan Qabyo ugaga tegin.

Afhayeenka Xisbiga Waddani UK
> Qasim A Saleeban
Kasslmn@aol.com
> London.

Comments are closed