Afhayeenka Xisbiga Waddani oo Wasiir Caddaani Xasuusiyey inta Khalad ee Xukuumadu Gashay hadana ay Dib u Saxday Isla markaana Sifeeyay Khaladkii ka Dhacay Doorashadii Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda DAAWO
Hargaysa 08. August 2017 (SDN/QJ):-Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Jawaab ka Bixiyey Maanta Hadal uu Warbaahinta Siiyay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Mudane Cismaan C.laahi Saxardiid Caddaani oo Xisbiga Waddani ku Sheegay inuu Dabada ka riixayo Muranka ka Taagan Golaha Wakiiladda Somaliland.
Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo Warfidiyeenka Maanta la hadlay ayaa Sheegay in Xukuumadda uu Wasiir Caddaani ka Tirsan Yahay ay Gashay Khaladaad Dhawr ah Isla markaana ay dib u Saxday.