Afhayeenka Xisbiga Wadani laantiisa Sweden oo canbaareeyay xariga Guddoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee Sweden
Stockholm Jan 07,2014(SDN/QJ)-Afhayeenka Xisbiga Wadani laantiisa Sweden Md Cantar Kidaar Cune ayaa fariin uu na soo gaarsiiyay waxa uu ku canbaareeyay falkii shalay uu wasiirka warfaafinta Somaliland xabsiga ku dhigay Guddoomiyaha Jaaliyada reer Somaliland ee dalka Sweden Md Sakariye Xasan, qoraalka afhayeenkuna sidan ayuu u qornaa:
“Aniga oo ku hadlaya magaca xisbiga Wadani ee guud iyo kan xisbiga wadani ee laanta Sweden .waxaa maanta Madarka magaalada hargeysa lagu Xidhay gudoomiyaha Jaaliiyaada Somaliland ee dalka Sweden Mr Saakariye Xasan ,xadhiga Gudoomiyaha Jaaliiyaada oo leh Ixtiraam iyo Maasuuliiyad uu “uu hayo dadka Reer Somaliland ee ku Dhaqan dalka Sweden sharaftuna Tahay in lagu Maamuuso, ayaa Wasiirka war-faafiinta Cukuse uu adeegsaday Awood taaso aan wax Sharaciga wafaqasan loo Soo Mariin ee Wasiirku uuu Amar uun ki bixiyey in Gudoomiyaha laga Qabto madarka oo Xabsiga loo taxaabo, hada baa Haddiii aanu nahay Xisbiga wadani laanta Sweden waa ka Xunahay xadhiga Gudoomiyaha
Waxaa aanu marka ugu Baaqayna xukuumada oo Wasiirku ka tirsanahay in sida ugu Dhaqsaha badan Xorriyadisa logu soo Celiya Gudoomiyaha jaaliiyaada ,isla Marka na la ilaliyo Xorriyada qofka Muwaadiinka ah iyo qofka xilka Haya -baa oo Dastuurka dalku ina farayo in ciid kasta lagu ixtriiraamo karamadeeda iyo sharafta uu qofku leeyahay .waxaa xusiid mudan in kulmiye uu ka Caban jiray Xukuumadii Daahir Riyaale xadhiga la iska Xidho dadka Muwaadaniinta ah ,Balse Maanta Kulmiye barro Dheereyey wixii uu Xukuumadiii ka Horeysay kaga Caban jiray ama aay ku Dhaliilii Jireen
Waa Bilaahi Towfiq
Cantar Kidaar Cune
Afhayeenka Xisbiga Waddani Laanta Sweden