Afhayeenka Xisbiga Wadane laantiisa Sweden oo Tageeray Go”aamadii Xisbiyada Mucaaridka Iyo Madasha Wada Tashiga
Stockholm Aug 11,2014(SDN/QJ)-Afhayeenka xisbiga Wadani ee dalka Sweden Md Cantar Kidaar cune ayaa taageeray goaamadii ay wada jirka isula qaateen xibiyada mucaaridka iyo Madasha Wada tashiga Somaliland.
Xisbiyada Mucaaridka iyo Madasha wada tashiga Somaliland ayaa isla qaatay in la dhiso dawlad wadaag ah hadii dawlada Somaliland ku guul dareysato in ay Doorashooyinka Madaxtooyada qabato xiligoodii.
“Waxa Anu Halkan Baaq Tageero Ah Uga Dirayina Anaga Oo Ah Xisbiga Wadani Garabka Sweden Iyo Kan Scanavianka Ba Iyo Kan Gudoomiyaha Garabka Sweden Iyo Dhamaan Guddiyada Oo Dhan Baaq Tageero Ah Oo Ku Sabasan Go”aamaddii Maanta(shalay) Ay Soo Sareen Labaada Xisbi Mucaarid Iyo Odayasha Madasha Wada Tashiga.
Go”aamadda Oo Ka Kooba Na Shan Qodob Waxan Anu Leenahay Waa Dariiqii Loo Bahana In Loo Maro Wadaada Xalasha ah Haddii Ay Xukuumadu Mugdi Geliso Hanaanka Doorasho Iyo Hanaanka Dowladnimo Ba.
Geesta Kale Waxa Anuu Leenahay Waxa Annu Iddiin la Garab Tagaanahay Talaabo Kasta Oo Ay Qadaan Xisbiyada Mucaaridka ah Iyo Odaysha Kale Baa , Waxa Kale Oo Anuu Xukuumada Kaca Kufeyisa Leenahay Shaqada La Iddin Diraya Ka Soo Baxaa oo Hawshiina Gutta.