|

Afhayeenka Salaadiinta Somaliland oo Markii Kowaad afka u kala furtay Khilaafka Ucid

Hargaysa 13.April 2016 (SDN/QJ):- Afhayeenka  dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Maxamuud  Xiiray ayaa waxaa markii ugu horeysay uu  ka hadley khilaafka  ka dhex taagan xisbiga mucaaridka ah ee UCID

xiiraySuldaanku waxaa uu soo jeediyey in murankaasi aan loo gudbin maxkamada oo lagu dhameeyo wada hadal iyo isku tanaasul hadii ay salaadiin yihiina ay ka qeyb qaadan doonana  waxaana uu yidhi

 

” Xisbiga UCID waa xisbi qaran waana  xisbiga  ugu da,da weyn Somaliland  gudoomiyaha iyo musharaxuna waa laba nin oo qiimo badan  oo dalka karaamo iyo sharaf ku leh anigu waxaan soo  jeedin lahaa in arintaas laga daayo maxkamada isla markaana caadifada laga daayo oo la dejiyo  oo xeerkii xisbiga ay ku kala baxaan .

 

Xisbigaasii hadii uu inaga baaaba,o waayo xisbiyo hore ayaa wadadaas maray  markaas waxaan soo jeedinayaa in arintaas wada hadal iyo miiska dushiisa iyo isku tanaasul lagu dhameeyo anaguna salaadiin ahaan waxii doorkayga ah waanu ka qeyb  qaadaneynaa waayo dhaqanku mid walba suldaan iyo odey baanu u nahay ” ayuu yidhu Suldaan xiiray afhayeenka dhaqanka Somaliland.

Comments are closed