Afhayeenka Madaxtooyadda oo u Banbaxay Taageerida Garabyada ku Hirdamaya Loolanka Xisbiga Kulmiye
Hargaysa 25.Oct 2015 (SDN/QJ):- Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa gebi ahaanba dhinac ka dhaafay Hawshii afhayeennimo ee uu hayey madaxweynaha qaranka, isla-markaana Door biday inuu dhinac ka raaco siyaasiyiinta ku hirdamaya Madaxtinimada Kulmiye, waxana maalmihii ugu dambaysay lagu arkayey Goobaha ay xafladaha ku qabsadaan Garab kamid ah Garabada isku haya Loollanka Xisbiga Kulmiye.
Mudane Dhuxul, ayaa ayaamihii lasoo dhaafay u ban baxay taageeradiisa dhinaca Garabka musharrixiinta is bahaystay ee xisbiga Kulmiye dhexdiisa, waxana uu daayacay Hawshii sharciyan uu u madaxweynaha u hayey, isagoo gaadhay heer uu Dibada ula soo baxo taageerada garabkaas uu u hayo, isla-markaana iyadooo aan cidi amrin madaxweynaha ka baahiyey warar la xidhiidha taageeradiisa musharixiinta Xisbiga dhexdiisa ku hirdamaysa.
Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa sidoo kale arrimaha uu haatan ku hawllan yahay waxa uu ku daayacayey doorkiisii ku aadanaa inuu Jawaab waafiya siiyo mucaaridka Xukuumadda oo maalmihii ugu dambeeyey Dawladda u jeedinayey Dhaliilo la xidhiidha arrimaha ka taagan Magaalooyinka Berbera iyo Borama, isagoo si maalinle ah ugu dhex milmay loollanka Xisbiga Kulmiye dhexdiisa.
Laba Maalmood ka hor ayey ahayd markii uu Afhayeen dhuxul la hadlay qaarkamid ah warbaahinta dalka, isla-markaana jeediyey hadal kooban oo uu ku sheegayo inuu madaxweynuhu tartanka Kulmiye dhex ka yahay, isagoo iska indha tiray inuu madaxweynaha ka difaaco eedaha ay mucaaridku sida joogtada ah ugu jeedinayaan.
Ma aha oo kaliya inuu Afhayeen dhuxul ku mashquulo munaasibadaha ay qabsanayaan Garabka uu taageerada u hayaa, balse waxa habeen iyo maalinba lagu arkaa Goobaha Garabkaasi talooyinkooda hoose ku kala qaadanayaan, waxana uu soo xambaaraa Xanta iyo xam-xamta madaxtooyada dhexdeeda ka taalla iyo fikirka laga aaminsan yahay.
Sidoo kale waxa uu madaxtooyada Kooxdaas ugu qaabilsan yahay soo gudbinta Liiska Xubnaha madaxtooyada ku xidhan ee qaba fikirka kooxdaas ka dhanka ah iyo waxyaabaha ay u cuskadaan taageerada ay dhinacyada kale siiyaan.
Muddo haatan bilo laga joogo ayaa ugu dambaysay xilli uu afhayeen dhuxul bixiyo jawaab uu madaxweynaha ku difaacayo, waxana uu haatan caado u noqotay inuu bixiyo jawaabo uu cid aan madaxweynaha ahayn ku raalligelinayo, isla-markaana ka baxsan hawshii uu afhayeen ahaan ugu astaysnaa Aqalka madaxtooyada.