|

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ayaa kulan la qatay Agaasimaha Tvga qaranka Somaliya Xafiiskisa London Amina muuse Waheliye

London 16Oct 14 (SDN/QJ) Magaalada London o ay ku sugan yihiin wefdi wasiiro ah oo uu hogaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo uu ka mid yahay afhayeenka Madaaxtooyada ayaa la soo weriyay in kulan uu dhexmaray hawlwadeenada warbaahinta Xamar iyo xubno ka mida wefdiga Madaxtooyada Somaliland

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland  Axmed Saleebaan Dhuxul oo ku sugan London ayaa kulan la qatay Agaasimaha Tvga qaranka Somaliya Xafiiskisa London marwo Amina muuse Waheliye.

Kkulankan oo ka dhacay xaafada Wembley ee uu ku sugan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleeban Dhuxul.ayaa ahaa mid qarsoodiya, ilo ku dhaw afhayeenka madaxtooyada Somaliland Axmed Dhuxul ayaa sheegay in layska xog waraystay sidii loo xojin laha warbahinta labada dhan iyo in uu waraysi siiyo tvga somaliya.

Waraka kulanka ayaa imanaya xili uu madaxweynaha Somaliland London uga qeybgalayo shir dawlada Britain ay u abaabushay dalka.

Dadku waxa ay haatan isweydiinayaan mar hadii madaxweyne Siilaanyo uu ka qeybgelayo shirka maalgashiga ee mugdigu ku jiro waxa iska hortaagaya afhayeenkiisa in uu Amina Muse la kulmo.

SDN/QJ-London

contact@qurbejoog.com

Comments are closed