|

afhayeenka komishanka doorashooyinka oosheegay inaanay deeq bixiyayaashu bixinayan dhaqaalaha muraaqibiinta

Hargeisa-Sept 18, 2012. Afhayeenka Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) ayaa ka hadlay labada Xi lee uu isku hayo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro)  oo ah Guddoomiyanimadda Golaha Wakiiladda iyo Ururka Waddani tas oo ay qaarkamid ah ururada siyaasadu ka bixiyeen cudurdaar

Afhayeenka Komishanka Mr Geelle waxa kale oo uu sheegay in qaadhaan-bixiyayaashu ay sheegeen inaanay bixin doonin dhaqaalaha muraaqibiinta Axsaabta.Afhayeen Geelle waxa uu sidaasi ku sheegay Waraysi uu siiyay Idaacada VOA, ugu horayna isaga oo ka hadlaya waxa sharcigu ka qabo labada xi lee gudoomiyaha wakiiladu isku hayo ayaa waxa uu yidhi “Anagu waxaanu ku shaqaynaa xeerarka iyo shuruucda dalka u dajisan, arrinkaasina wax sharciya oo u yaala ma hayno sharciguna kama hadlayo arrinkaasi, wixii xeerkui dhigayo ayuun baanu ku shaqaynaa”

Afhayeenka oo la waydiiyay kharashkii ku bixi jiray muraaqibiinta Axsaabta sababta ay qaadhaan-bixiyayaashu u joojiyeen ayaa waxa uu yidhi “Waxay yidhaahdeen ururadii way bateen mana aha in mar walba masaasad afka loogu hayo ee waa inay helaan bay yidhaahdeen Axsaabta dad dhaqaale ku caawiya ama dad mutadawiciin ah, sidaa darteed xisbi iyo urur waliba iyagaa isdabaraya oo muraaqibiintooda ku filaanaya”

Afhayeenka Komishanka doorashooyinka oo la waydiiyay sida ay uga dhabaynayaan in doorashada deegaanada ay ku qaban karaan maalinta ay u mudeeyeen ee 28-ka November 2012-ka waxa uu yidhi “Qorshahayaga qabsoomida doorashadu wuu noo socdaa, wax caqabad ahi inay ku timaadana ma filayno, dhaqaalihii doorashada ku baxayayna wuu noo dhamaystiran yahay”

Comments are closed