|

Afhayeenka Komiishanka Doorashooyinka oo eeda dib u dhaca doorashada dusha ka saaray Komiishankii ka Horeeyay DAAWO

Hargaysa 27.April 2015 (SDN/QJ)- Komishanku waxay sheegeen in aanay sanad iyo bilo aanay doorashada qaban karin. Xukuumadana xilkii ay haysay waxa uu kaga eegyahay 26 june ee sanadkan.
Mucaaradkii waxay ku adkaysanayaan inaan xukuumadu xiligii loo doortay aanay maalin la dhaafay, Xukuumaduna waxay sheegtay in dhankeeda ay doorashada u diyaar tahay dibu dhacana aanay sababtiisa waxba ku lahayn.
Hadaba maxay tahay sababta keentay in komishanku wakhtigii loogu talogalay inay doorashadu dhacdo ku qabsoomi waydo? Afhayeenka komishanka doorashooyinka oo aan waraysi khadka tilifoonka sadex maalmood kahor kula yeeshay wuxuu eeda dibu dhaca saaray komishankii ka horeeyay, wuxuu ku sababeeyay waxaad ku maqli gudaha waraysiga, waxaanse ugu horayn waydiiyay inuu ii sharaxo baahida keentay muddada la kordhiyay iyo howsha ay mudadaas qabanayaan inuu ii sharaxo waxaanu siciid cali muuse iigu jawaabay sidan

Comments are closed