Afhayeenka Golaha Guurtida Somaliland oo Magaca Guurtida Ku Hambalyeeyey Nabadayntii Mudada Loo Fadhiyey Coodanle Iyo Natiijadii Go’aamada
Hargaysa 09.June 2015 (SDN/QJ)- Afhayeenka Golaha Guurtida C/qaadir Maxamed Xasan Magaca Guurtida Ku Hambalyeeyey Nabadayntii Mudada Loo Fadhiyey Coodanle Iyo Natiijadii Go’aamada;;
Afhayeenka guud ee golaha guurtida c/qaadir maxamed xasan (indho indho) oo Warbaahinta la hadlay ayaa magaca golaha guurtida ugu hambalyeey shirkii nabadayneed ee mudada loo fadhiyey magaalada coodanle oo dhinca galbeed ka xigta magaalada buuhoodle waxaanu yiri;’’ .
Haddii aanu nahay golaha guurtida waxaanu si buuxda u soo dhawaynaynaa go’aamada ka soo baxay shirkii coodanle kaas oo aanu la soconay in lagaga wada hadlayey arimo xaasaasiya oo muddo dhherr cakiraa isla markaana aanu si aad ah u soo dhawaynayno go’aamada ka soo ba,xay, kuwaasoo ay labada dhinacba si aad ah u soo dhaweeyeen , taasina ay tahay guul u soo hoyatay dhamaan shacabka reer soomaaliland’’.
‘’Waxaanu hadalkiisa sii raaciyey ilaahay waxaan uga baryaynaa inuu ka dhigo kuwa sida la isula qaatay u najaxa , meela looga wada jeesto ilaalintooda’’.
Dhinaca kale wuxuu afhayeenku u mahad celiyey salaadiintii,cuqaashii,waxgaradkii, culimaaudiinkii, saxaafadii iyo dhamaanba intii xil iska saartay.
Hargaysa SDN/QJ