|

Afhayeenka cusub ee UCID oo magacaabidiisa doodi ka taagan tahay

Hargeysa Sept 02,2013(SDN)-Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa dhawaan la shaaciyay in uu yeeshay Afhayeen guud oo la yidhaahdo Muuse Ismaciil Qardhab.

Masuulkan oo uu magacaabay musharaxa xilka madaxweynenimo ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa magacaabistiisa hareeyay shaki.

Xilal dhawr ah oo is xigay oo ay magacaabeen masuuliyiintii xisbiga uga soo biiray UDUB ayaa gebigoda haatan magacaabidoodii uu hareeyay shaki.

Masuuliyiinta xisbiga UCID uga soo biiray UDUB oo uu hogaaminayo musharaxa madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ayaa u muuqda qaar iyagu wata qorshe ka duwan ka xisbiga ay ku biireen.

Iyada oo marar badana u muuqda qaar iska fogeynaya xubnihii ay xisbigaa ugu tageen.

Taa waxa dheer in ay magaca xisbigu ku diiwaangashaanaa ilaa maalintii la diiwaan geliyay ay isku dayeen in ay u bedelaan New UCID.

Si kastaba ha ahaatee magaacaabida xoghayeyaasha xisbiga iyo qoraal uu dhawaan soo saaray xoghayaha UCID Axmed Keyse ayaa soo bandhiga qorsheyaasha aan wada socon ee xubnaha UCID iyo kuwa New UCID.

Waxa la eegaaba haatan waa halka doodahani ku danbeeyaan iyo cida shariga xisbigu u fasaxayo in la isu daba taago hogaanka xisbiga UCID.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed