|

Afhayeenka Ahlusunna Sheekh Cabdiqaadir Soomow Oo Maanta Xabsi Loo Taxaabay

Muqdisho 15.Sep 2013 (SDN)- Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xirtay afhayeenka ururka Ahlu-Sunna Wal-Jameeca ee gobolka Banaadir Sheekh Cabdiqaadir Sheekh Maxamed Soomow.

Sheekh Cabdiqaadir ayaa lagu xiray xarunta hay’adda dambi baarista ee CID-da kaddib markii halkaas looga yeeray saaka, markii uu tagayna loo sheegay in uu xiran yahay.

soomoowSaxaafadda qaarkeed ayuu u sheegay in saraakiisha dambi baarista ay u sheegeen in lagu xiray amar ka soo baxay madaxweynaha Somalia oo aan cadeyn waxa uu yahay.

Lama oga ilaa iyo hadda sababta Sheekhan loo xiray, cid dowladda ka tirsan oo ka hadashayna ma jirto.

Sheekh Cabdiqaadir Soomow ayaa kamid ahaa culimo dhawaan magaalada Muqdisho ku shirtay oo soo saartay fatwo ka dhan ah ururka Al-Shabaab.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed