Afhayeen Dhuxul Oo Xabsiga Dhigay Wariye Uu Si Weyn Qabashadiisa Ugu Taamayey
Hargeysa:July,28,2014(SDN/QJ)-Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa ugu dambayntii Xabsiga Dhigay Wariye Axmed Aadan Rooble oo uu si weyn u raadinayey Maalmihii ugu dambeeyey.
Sida ay qurbejoog.com warka ku hayso, waxa wariyahan la qabtay Habeenkii xalay, iyadoo ciidamo boolis ahi si khasab ah u qabteen xilli uu ku sugnaa Badhtamaha suuqa Caasimadda.
Lama garanayo waxa dhabta ah ee wariyahan lagu Haysto, balse waxa lagu tuhmay warar Madaxtooyadu ka cadhootay oo caafimaadka madaweynaha wax lagaga sheegay, kaas oo keenay inuu Afhayeen dhuxul ku gooddiyo inuu xadhig la tiigsan doono cidda warkaas Faafisay.
Wariyahan ayaa la sheegay in xabsiga loo taxaabay, waxana la tilmaamay in ciidamadii qabtay aanay sidanin wax fasax oo ay qabashadiisa u haystaan, marka laga tago Amarka uu afhayeenku ku bixiyey in la soo qabto, maadaama uu shakiga madaxtooyadu qabtaa uu wariyahan dhaafi waayey.
Wariye Rooble ayaa la sheegayaa inuu wali ku jiro gacanta Ciidanka Booliska, waxana socda isku dayo la doonayo in lagu soo daayo oo xorriyadiisii loogu soo celiyo.
Warka wariyahan lagu Haysto ayaa ahaa mid warbaahinta qaarkeed qoreen oo caafimaadka iyo safarka uu madaxweynuhu ku joogo dalka Ingiriiska wax lagaga sheegayey, kaas oo dareen cadho leh geliyey madaxtooyada iyo Hawl-wadeenadeeda, isla-markaana sababay inuu Afhayeenka madaxtooyada iyo madaxweynaha laftiisuba ay ka Hadlaan fayo-qabka ama caafimaadka qabka madaxweyne Siilaanyo.
SDN/QJ