Afghanistan: Ciidamo ka tirsan isbahaysiga NATO oo lagu khaarajiyay weerar Daalibaan qaaday iyo tirada dhimashada sannadkan laga dilay ciidanka ajaanibka
Kabul 28, July 2012 (SDN)- Laba ka mid ah ciidanka isbahaysiga NATO, ayaa Sabtida maanta lagu dilay dalka Afgaanistaan.
Sida uu faafiyay Los Angeles Times, dhimashada labadaa askari waxa xaqiijiyay isbahaysiga Milateriga reer Galbeedka, kaasoo ahaa weerarkii ugu dambeeyay kooxda Daalibaan ku qaaday xooggaga ajaanibka iyo shacabka Afgaanistaan.
Isbahaysiga Milaterigu wax xog ah oo dheeraad ah kamay bixin khasaaraha ama dhimashada muwaadiniinta reer Afgaanistaan, inkastoo ciidanka caalamiga ah inta ugu badan ee dalkaas ku sugan yihiin Ameerikaan.
Dhimashada Sabtidii ee labadaa askari, waxa uu kordhinayaa tirada ciidanka caalamiga ah ee bishan lagu dilay Afgaanistaan, taasoo gaadhaysa 42 askari.
Dilka labada askari waxa uu ka dhacay gobolka Waqooyi ee Balkh ee dalka Afgaanistaan.
Ilaa hadda sannadkan gudihiisa, 262 askari oo NATO ka tirsanaa, ayaa lagu dilay Afghanistan, marka la barbar dhigo 323 oo la dilay lixdii bilood ee u horeeyay ee sannadkii 2010, siday faafisay icasualties.org, oo tirisa khasaaraha dhimashada ciidankaas.
Qurbejoog.com, Kabul