Afgaanistaan: Khasaaraha ka dhashay qaraxyo ruxay magaalada Kandahar
Kabul 06, June 2012 (Qurbejoog.com/VOANews)- Qaraxyo lamaan oo dad ismiidaamiyay loo adeegsaday, ayaa ruxay magaalada Kandahar oo ku taala dhinaca Koonfureed ee dalka Afgaanistaan.
Siday faafisay VOANews, qaraxyadaas waxa ku dhintay inka badan 22 qof, iyadoo ugu yaraan 50 kalena ku dhaawacmeen.
Mid ka mid ah qaraxyadaasi waxa lala eegtay goob lagu badan yahay oo baabuur badana la dhigay, iyadoo ka kalena lala sugayay inta uu ka hore waxyeelada gaadhsiinayay goobta lala eegtay, si uu isu kii kaba-raaciyo khasaarahaa.
Qof goobjoog ah oo dhaawacyo ka gaadhay gacmaha iyo lugihiisa, waxa uu sharaxaad ka bixiyay siday wax u dhaceen.
Goobjooguhu waxa uu sheegay in markii qaraxa hore dhacay, uu ka cararay dukaankiisa, iyadoo qaraxa labaadna lagu xigsiiyay markii uu ka hore dhamaaday.
Waxa uu sheegay in markii uu lugeeyay uu arkay maydka dhintay oo dhulka yaala, taasina keliftay in wixii xilligaas ka dambeeyay aanu waxba xasuusan karin.
Kuxigeenka madaxa Booliska gobolka Kandahar magaciisa la yidhaahdo Rahmatullah Atrafi, waxa uu sheegay in qaraxyadaas lala eegtay suuq mashquul ah oo lagu badan yahay, kaasoo xidhiidhiya jidka wayn ee Kandahar ku xidha Spin Boldak oo ah magaalo u dhow xuduudka dalkaas la leeyahay dalka Pakistan.
Mr. Rahmatullah Atrafi waxa uu sheegay in dhibaneyaasha qaraxaasi ay ahaayeen dad aan dambi lahayn oo mashquul ku ahaa iibsashada alaabooyinka suuqaas iyo sidoo kale 8 qof oo ka shaqaynayay shirkad dhinaca amaanka ah oo xafiis ku leh goob u dhow suuqaas.
Dhinaca kale, dawladda Maraykanka ayaa cambaaraysay qaraxaas, iyadoo masuuliyiintu sheegeen inuu ka dhacay meel aan ka fogayn saldhig ay ciidanka NATO ku leeyihiin magaalada Kandahar ee dalka Afgaanistaan.
Qurbejoog.com, Kabul