Afgaaistaan oo lagu dilay labo ka mida Askarta Britain
Helmand Mar 26,2012(SDN)-Laba askari oo British ah ayaa lagu dilay wadanka Afgaanisataan, kadib markii nin sitay labiska ay qaataan ciidamada Afgaansitaan uu rasaas ku furay, sidaasina waxa a shaaca ka qaada xoghayaha difaaca ee Britain, Philip Hammond.
Toogashadaasi ayaa ka dhacayday xarunta ay ciidamada British-ka ku leeyihiin deegaanka Lashkar Gah ee gobolka Helmand oo ku yaala dhinaca koonfureed ee wadankaasi Afgaansitaan.
Saraakiil ka tirsan NATO ayaa sheegay in Ninkii weerarka soo qaaday ay toogasho ku dileen askar goobta joogtay, qoyska labada askari ee geeriyooday ayaa lagu wargaliyey dhimashada askartaasi.
Ciidamo gaadhaya 407 askari oo British ah ayaa lagu dilay waddankaasi Afgaansitaan tan iyo sannadkii 2001dii.
SDN-Helmand