Afartii Wariye ee Xaq-darrada Madaxtooyada ugu xidhnaa Oo Damiin Lagu Sii Daayey
Hargeysa:09-Dec-2013(SDN)-Waxa Saacado Ka Hor xorriyadoodii dib u helay Afartii Wariye ee Toddobaad ka hor xaqdarrada loogu xidhay Saldhigga dhexe ee Magaalada Hargeysa, kadib markii xubno ka mid ah xukuumadddu ay damiin ku sii daayeen.
Wariyayaashan oo intii ay xidhnaayeen loola dhaqmay qaab ka baxsan Bani’aadanimada, ayaa aad uga qaylisiiyey dhammaanba bulshada Somaliland iyo dadka u doodda xukuuqda bani’aadamka iyo waliba saxaafadda Madaxa Bannaan.
Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Somaliland iyo Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqul insaanka Somaliland Fadxiya Xuseen Jaahuur, ayaa damiin ka ahaa sii daynta wariyayaashan muddada xidhnaa, waxana haatan afartaas wariye ay haatan xorriyad ku joogaan magaalada Hargeysa.
Saxaafadda Madaxa bannaan ayaa dedaal dheer u galay soo daynta saxafiyiintan xidhan, waxana haatan saxaafaddu ay mahad u celinaysaa xubnahaas ku guulaystay Sii daynta wariyayaashaas.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com