|

Afartii Sano Ee Xanuunka Badnaa = W/Q: Mahad Ibraahim Yuusuf

11233076_503785326455435_4823198131968418436_nQofka bini’aadamka ah inta uu dunida ku nool yahay wax walba waa uu la kulmaa, shalay waxaad la kulantay wax kaa farxiyay. Maantana waxaad la kulantay wax kale oo kaa yaabiyay, laga yaabo barrina inaad la kulanto wax kaa murugsiiya, waayo dunida ayaaba intaasuun ah. Waa mar aad faraxsantahay, iyo mar aad murugsantahay, iyo mar aanad aqooninba xaaladda aad ku sugantahay. Waxaan odhan karnaa dunidan aan korkeeda ku nool nahay, waxa ay ku dhisan tahay laba shay: midka hore ayaa waxa uu yahay xusuusta, midka kalena waa jacaylka.

Waxaad arkaysaa hooyo da’deedu aad u wayntahay, dusheedana aad ka dareemaysid gabaw, oo xili ciid ah oo dadkoo dhan faraxsanyahay iyadu kaligeed meel cidla ah fadhida,  oo indheheeda ilmo ku taagantahay. Kadib marka aad waydiiso sababta ay u ooyayso, jawaabta aad ka helayso ayaa waxa ay tahay “ mudo dheer ka hor, waxa aan awood u lahaa inaan cagahayga ku socdo oo sidan ma ahayn, waxaa kale oo aan awood u lahaa, inaan sameeyo wax walba oo ay dhallinyartu samayn karto, sida: in aan ciyaaro, inaan kaftamo, inaan haasaawo, inaan wax barto, inaan dalxiiso, inaan farxada ayaamaha ciida aan saaxibadayda la qaato. Balse maanta waxa kaliya oo aan awood u leeyahay, inaan dib usoo xasuusto maalmihii ugu macaana ee noloshayda soo mara. Marka aan soo xasuusto, xiligii aan lahaa hooyo aan dhabteeda hurdo macaan ku gamo. indhahayga ilin ayaa kusoo istaagta, marka aan soo xasuusto xiligii aan lahaa, walaalo garbahayga taagan oo i jecel. indhahayga ilin ayaa kusoo istaagta, marka aan soo xasuusto xiligii aan lahaa, saaxiibo aad iigu qaaliya oo farxada iyo murugadaba ila qaybsada. indhahayga ilin ayaa kusoo istaagta. Waxaan niyaystaa xusuusahaas oodhan, in ay hal maalin oo kaliya dib iigu soo laabtaan. Balse waxaan ogahay inaysan taasi dhici Karin, maxaa yeelay dunida ayaa waxay ku dhisantahay xusuus.  Maalmihii kuugu macaana, kuugu farxada badnaa, kuugu jawiga fiicnaa, inaad dib usoo xasuusato mooye waxkale, awood uma lihid”. Kadib marka aad hooyadaasi jawaabteeda maqasho, waxaad ogaanaysaa inay xusuustu tahay mid kamida labada shay ee ay dunidan ku dhisantahay. Halka midka kalena uu yahay jacaylka.

Waxaa laga yaabaa inaad maqashay, wiil jacayl awgiis isku dilay, waxaa kaloo suurto gal ah inaad maqashay, gabadh gaas iyo dab isku qabatay jacayl awgii, ama waxaad maqashayba oo aanu shakki ku jirin, dad uu jacayl dilay. Sida: Cilmi Boodhari, Qays, Cantara iyo kuwo kaloo badan, waxaas oo dhan hadii aad maqasho, halayaabin! Maxaa yeelay, jacayka ayaa u qalma in wax walba loo sameeyo, Sababtuna waxay tahay, dunida ayaa ku dhisan jacayl.

Horaba waxaad u maqashay dad ka sheekaynaya waddamadooda oo leh: waddankan waxaan usoo hurnay naftayada iyo dhiiggayaga, ogow dadkaasi waxay naftooda iyo dhiiggooda u hureen, si uu waddankooda oo kaliyi usii jiro. Balse wiilka iyo gabadha jacayl awgiis isku dilay waxaad ogaataa, in ay naftooda iyo dhiiggooda u hureen, si ay dunidan usii jirto, hadalkayga macnihiisu maaha inaan leeyahay dadka is dila, maya, waxaan rabaa dadka aaminsan inuusan jacaylku wax qiimo ah lahayn, inaan u sheego inuu jacaylku yahay wax naf iyo dhiig loo huri karo, wax dad iyo duunyaba galaafan kara, wax qiimo iyo qadarin leh, hadii uu jiro  qof aaminsan inuusan jacaylku wax jira ahayn, waxaynu odhan karnaa waa  qof aan jacayl wali arag ama dareemin, qofkuna waxa aanu arkin ama dareemin ma aamino, maanta oodhan hadii aan kaaga sheekeeyo dacartu inay qadhaadh tahay, balse aanad wali dhadhamin, ma dareemi kartid qadhaadh keedu inta uu leegyahay.

Waxaadna ogaataa jacaylku waa sida geerida oo kale, dhammaanteen waxaan aaminsanahay in aan maalin maalmaha kamida aan dhiman doono, balse aynaan aqoonin maalinkaasi xiliga uu yahay, sidoo kale, dhammaanteen waa inaan aaminnaa in maalin maalmaha kamida uu jacayl inagu dhici doono, balse aynaan garan Karin maalinkaasi xiliga uu noqon doono, jacaylka iyo geeriduba si kadis ah ayuunbay ku yimaaddaan, ee digniin ma bixiyaan.

Sikastaba ha ahaatee, kolay qofkastaa marka uu yaryahay ama uusan jacaylka waxba ka aqoon, waxa uu aaminsanyahay inuusan jacaylkuba wax jira ahayn, haddaba, anna ileen dadka ayuunbaan ka mid ahaye, barigaan yaraa waxaan aaminsanaa inuusan jacaylku wax jira ahayn, dad ka sheekaynaya markaan arkana waxaan u aqaanay kuwo bilaa camal ah, oo waxay waqtiga isku dhaafiyaan waayay. Soomaalidu waxay tiraahdaa carruurnimo waa ciil laga waynaaday e’, waxaan sidaa ahaadaba markaan waynaaday waan is beddalay, oo si tartiib tartiib ah ayaan usoo aaminay in jacaylku wax jira yahay, sikastaba, muddo hadda afar sano laga joogo, ayaa waxaan jecldaaday gabadh; gabadhaasi waxay hayn jirtay dukaan ay xaafaddoodu lahayd.

Kadibna waxaan iman jiray dukaanka habeen walbo, waxaanan ka iibsan jiray sharaab, sababtuna waxay ahayd, sharaab haddaan u baahanay magaaladu waa wada dukaane, waxaan rabay inaan iyada arko, aragtideeda ayaa wax wayn ila ahaa. Hal-sano ayaan sidaas ahaa oo aan habeen walba u tagi jiray, balse anoon waxba u sheegi jirin, xattaa hal eray oo kaftan ah ma dhihi jirin, bas waan eegi jiray uun, sidaan u eegayo, marka waxaan rabo iga iibisana waan dhaqaaqi jiray uun, runtii habeenka aanan iyada soo arkin waxay ii ahaan jirtay, habeen mugdi ah, hurdana maba seexan jirin habenkaas.

Hore waxaan u ahaan jiray qof furfuran oo kaftan badan, guriga habeenka aan ka maqnahay horey ayaa laga seexan jiray, oo waxaan ahaa qaybiyaha sheekooyinka cawayska, laakiin, jacaylkeeda ka dib waxaa ii bilaabantay nolol cusub oo mugdi ah, waxaan noqday qof kali socod ah, waqtigayga oo dhan, waa mar aan ayada ka fikirayo iyo mar aan xaggeeda u socdo. Habeenkii marka aan guriga imaado qolkayga ayaan hoosta kasoo xidhaa, dadkii xaafada igula noolaa oo dhanba way dareemeen is beddalka noloshayda ku yimi; markasta oo ay i  waydiiyaan waxa igu dhacayna, waxaan ugu soo hadal gaabiyaa “waxba ma jiraan ee imtixaanno ayaan diyaariyaa, sidaas ayaan albaabka u soo xidhaa”. Sikastoy ahaataba,  gabadhii  waxay ogaatay inaan jeclahay.

Kadibna, sida dumarkuba ugu ciyaaran qofka ay ogaadan inuu  jecelyahay, ayay iyana iigu ciyaartay, oo intay saaxibadeeda soo kaxaysto ayaa marka aan wadada marayo ama aan wax ka iibsanayo, laygu dhago hadli jiray. Ama hadaan si kale u idhaahdo intoo faraha laygu soo fiiqo laygu qosli jiray. Anna, ileen qof bini’aadam ah oo damiir leh ayaan ahee, waxaan  go’aan ku gaadhaa inaanan dib usoo marin wadadan, dukaankeedana dib usoo hor istaagin, qalbigaygana ka saaro. Laakiin, marka aan laba cisho is hayo oo aan is adkeeyo, ayaan maalinta saddexaad waxaan is arkaa aniga oo la jooga oo wax ka iibsanaya, oo go’aankii aan gaadhayba waan ilaawaa, inbadan ayaan isku dayay inaan is ilowsiiyo, balse, noqon weyday.

Waxaad moodaaba inay awood  ku qabsatay qalbigayga, oo ay u diiday ka fikirka arrimo kale. Waxaan soo xusuustaa heestii odhan jirtay “hadaan ku ilaawi laa, qalbi ku ogolba adimada hagoo, anoo adiga kuu imid ayuunban ogaadaa”, waxaan is ogaadaa uun anigoo iyada u imid. Si kastaba, laba sano oo danbe ayaan sidaa ahaa, oo aan ciyaartaasuun ku jiray laygu ciyaarayo, waxkastana waan sameeyay oo waan iska dayn kari waayay araggeeda, wax walba oo la sameeyo qadarka ayaa ka wayn, ilaahayba ii qadaray qoftan  yar oo waxay tahay aanu jirin, inay intay qalbigaygya gasho ay siday doonto iga yeesho … Inkastoon marar badan isku dayay inaan niyadda ka saaro, haddana maalinba maalinka ka danbaysa, waxa igu sii kordhayay jacaylkeeda, ilaa aan ka gaadho heer aan is tusiyo, inaanan iyada mooye qofkaleba nolosha la qaybsan Karin!.

Waxaan xusuustaa guriga aan degganayn waxa uu lahaa laba albaab, mid xagga cadceeda kasoo baxa ujeeda, iyo mid xagga cadceeda u dhaca u jeeda, subax walba marka ay cadceedu soo curanayso, waxaan fadhiisan jiray kaabadda guriga, anigoo daawanaya cadceedda iyo sida ay usoo baxayso, runtii waxaan dareemi jiray waqtiga iyo sida uu u socdo, waxaan maqli jiray cod si naxariis leh iigu yeedhaya, oo kasoo baxaya xagga cadceedda, oo  I leh “Axmed, ilaa goorma ayaad sidan ahaanaysaa?! Goorma ayaad jacaylkaaga sheeganaysaa? Axmed waxaad ogaataa, maalin maalmaha kamida, inaan soo bixi doono adiga oo aan dunidan joogin, hadda ayaad fursad haysataa orod waxa qalbigaaga ku jira cabir, haka baqin natiijada ka iman doonta, lagayaabo qofka aad sidaas oo dhan u jeceshahay, iyaduna inay ku jeceshahay, balse, ay adiga kaa war sugayso, waayo, iyadu waa gabadh wayna xishoonaysaa adna inaad xishootid maaha” aniga oo fikirkayga iska sii wata, islahadalkaygana iskaga dhex jira, ayuu qof iga qaldaa uu albaabka igu furaa, kadibna intaan ilinta indhahayga ku taagan gacantayda isaga tiro aan meesha iskaga kacaa, kolay waxaan dareemayay waxa uu ahaa boholyaw iyo xanuun jacayl oo aan xal u waayay, go’aanna aan ka qaadan kari waayay.

Anigoo xaaladdaasi ku sugan ayaan aadi jiray iskuulka,  inkastoo aanan jeclayn iskuulka iyo tagitaankiisaba, haddana waxaan aad u jeclaa maalmaha maadada Carabida aan u leenahay, sababtuna waxay ahayd, macalinka maaddadaasi dhigi jiray oo aan isku fiicnayn, iyo maaddada Carabida oo ay ku jireen qisooyin jacayl ah. Sida qisadii Qays oo kale, runtii, marka uu macallinku qisadaasi sharaxayo waxaan u malayn jiray inuu aniga iga sheekaynayo!. Si kastaba, waxa lasoo gaadhay sanad guuradii afraad ee kasoo wareegtay jacaylkayga indhoolka ah, waxaanan dhameeyay iskuulkii,  waxaan rabay inaan waddanka iska sii joogo, oo waxaa niyadayda ku jirtay rajo ah in ay mar uun iyaduna i jeclaan doonto, laakiin, hooyo ayaa marwalba waxay iiga sheekayn jirtay, qiso aad u cajiib ah oo aniga i qusaysay, iyo riyada nolosheeda oo aniga igu xidhnayd. Kadibna hadal waxay iigu soo jartaa  “ Axmedaw,  haddii aan ahay qof u qalanta in riyadeeda loo rumeeyo, riyadayda ii rumee oo waxaan ku leeyahay i  maqal,  waad tagaysaa Axmed. aniga oo hooyadaa ah oo xattaa naftayda kaa jecel, maanta maad i dhihi waan ku diiday, waxaan  filayaa dhici mayso taasi oo waan ogahay inaan agtaada ku waynahay”, anna waxaan ugu jawaabay “dabcan taasi is waraysi malaha, oo waa qasab inaan wax walbo oo suurto gal ah kuu sameeyo. Xattaa waxa aan suurto gal ahayn, adiga hooyo macaan, waan kuu suurto galin karaa!!”.

Runtii, hooyo hadalkeeda waan qaatay, inkasta oo aanan jeclayn inaan waddanka ka tago haddana waatan hooyo qasab igaga dhigtay. Sidaas ayaan ku imid Suudaan. Laakinse, waxa ila xumaatay, anigoon gabadhaas jacaylka aan u qabo usheegan, in aan waddanka isaga tago. Kadib, waxaan go’aan ku gaadhay inaan usheego, laakiin aan warqad ugu qoro. Waxaan u qoray warqaddii ugu horraysay uguna danbaysay, ee noloshayda aan u qoro gabadha aan jeclahay, waxaan go’aansaday inaan iska qirto jacaylka aan muddo afar sano ah ku qarinayay qalbigayga, waxaan dhihi karaa warqadan ani ma qorin, ee waxaa qoray qalbigayga,  kalmad kasta oo ay gacantaydu qorayso waxay ahayd mid qalbiga si dhab ah uga soo go’day, warqduna waxay u qornayd sidan:

“Marka hore waxaan kuusoo dirayaa, salaanta ay isku diraan laba qof oo si wanaag ku jirto isku baratay, salaantaas oo ay kuusoo hibaynayaan dhammaan xubnaha jidhkayga oo dhan. Salaan kabacdi, ma aqaano meel aan ka bilaabo hadalkayga, mana garanayo si aan kuugu soo gudbiyo dareenka uu dareemayo qalbigaygu ee ku wajahan dhankaaga, waayo? Waxaa jira dareemmada qaar, kuwo aan lagu cabbiri karin, erayo ama kalmado kooban, taasna, waxaa sabab u ah, baaxadda uu dareenku leeyahay oo ah mid aad u wayn. Walaal magacaygu waa Axmed, muuqalkayguna ma aha mid kugu cusub, inbadan waad i aragtay inbadana waan ku arkay. Dadka bini’aadamka ah ee adduun waynaha ku nool, lababa maalin ayay is barataa, laakinse, waqtiga laysku barto ayaa kala duwan, laba qof ayaa waxay isku bartaan hal saac gudaheed, labana hal maalin, halka labana ay ku qaadato sanado badan inay is bartaan. Inbadan ayaan isku dayay inaan ku barto, balse way ii suurto gali wayday. Waxaan sameeyay wax walba oo laysku baran karo, laakinse, wax walba oo la sameeyo waxaa kawayn qadarka, wax qoran ayayna ahayn inaan ku barto, qasabna maaha inaan u cadhoodo qadarka. Waxba yaanan hadal kugu daalinin e’, haddii aan u dhaadhaco u jeeddada aan kuugu soo qoray warqaddan, ayaa waxa ay tahay: inaan kuu sheego, inaan ku jeclaa muddo badan, balse, aanan kuu sheegan jacaylka aan kuu qabo, sababo badan awgood.

Waxay ahayd maalin isniin ah, bishuna tahay 12-kii Maaris, 2011-kii, maalinkii iigu horreysay aan ku arko, waxayna ahayd xilli casara, ku dhawaad 5:30-kii galabnimo, xilligaas oo aan kasoo rawaxay bareefad aan wax ka baran jiray xilligaasi. Aragtidaadi iigu horraysay aan ku arko, ayaa waxaa igu abuurmay jacaylka aan ilaa maanta kuu qabo, oo maalinba maalinta ka danbaysa igu sii siyaadayey. Inkasta oo aad inbadan iga yartahay, haddana Soomalida ayaa horey waxay u tiri; jacaylku indho uu wax ku arko malaha, oo xattaa haddii uu daasad kaa galo waxaad arkaysaa, adiga oo gargaraacanaya.

Najma, run ahaantii marka aan ku soo eego madafiri karo in aan ilaahay u mahad celiyo, waayo? Isaga ayaa ku siiyay quruxdan aadka u sarraysa.  Najma, anigu ma ihi qof og waxa qalbigaaga ku jira, mana ogi waxa aad aniga iga aaminsantahay. Haddii aad i tiraahdo waad waalantahay, waa runtaa, waayo? Asxaabtayda aadka iigu qaaliga ah iyo ehelkayga aadka iigu waynba, adiga awgaa ayaan uga go’ay, adigana wali kuma helin. Haddii aad i tiraahdo waad buktaa, waa runtaa, waayo? Jacaylku waa xanuun kamida xanuunnada ku dhaca dadka,dawadiisuna ay qaalliga tahay. Xattaa haddii aad i leedahay waad qaldantahay, waa run in aan noloshayda intaan jiray aan qalado badan sameeyay, balse, inaan ku jeclaado marnaba kuma qaldani.

Najma, waxaan rabaa inaan kuu sheego inaa tahay gabadha aan ifka ugu jeclahay, haddii laygu dhaho hal magac soo qor anigoon aqoon sida wax loo qoro, iyo sida wax loo akhriyo toona, waxaan hubaa inaan qori karo magacaaga, maxaa yeelay, laabtayda ayaan ku xafiday.  Walaal, anigu magalo xaafadda kaalinta, haddana mar walba waxaan is arkaa aniga oo jooga, sababtuna waxay tahay, quruxdaada ayaa waxay igu qasbaysaa inaan marwalba ku arko, aragtidaaduna, waxay igala qaallisantahay wax walba oo dunidan yaala. Waa run waana dhab oo shaki kuma jiro, inuu jacaylku leeyahay dhibaato farabadan, laakiin, qofku waxa uu gaadhaa waxa uu doonayo, marka uu dhibaato usoo maro, waxaan diyaar u ahay dhib walba inaan u maro sidii aan u heli lahaa qofka aan jeclahay oo adiga ah.

Hadal iyo dhammaan Najma, waan baxayaa bari, waana ka tagayaa waddanka, waxaan qabanayaa jaamacad ku taala waddan kale, magarankaro inta aan ku maqnaan doono, laakinse, waxaan garan karaa inaan ku jeclahay meel walba oo aan tago, kumana ilaawi karo inta noloshayda ka dhiman. Walaal waxaad ogaata waqtigu, waa sida wabiga oo kale, lagama yaabo inuu dib ugu laabto halkii uu kasoo bilawday.  Anna, sida waqtiga oo kale ayaan ahay, lagama yaabo marnaba inaan ka laabto jacaylka aan kuu qaaday. waxaan ku jeclaaday, jacaylka ugu wayn ee lays jeclaado; jacaylka aan kuu qabo haddii aan u micneyn lahaa dadka gabya iyo kuwa wax qora, mucjiso ayay ku noqon lahayd.  Waan ku jeclahay Najma, haa, waan ku jeclahay. Waliba, naftayda adiga ayaan kaa jeclahay, balse ima ogid inaan sidaas oodhan kuu jeclahay.  Walaaal, waxaan ku waydiinaya ma u qalmaa inaan ku jeclaado, mise uma qalmo? Miyaan ku qaldanahay inaan kuu soo bandhigto jacaylka aan kuu qabo, mise waan ku saxanahay? Haddii aad rabto inaad ogaato noloshaydu wax ay tahay, maalinkii marka aan soo jeedo adiga ayaan kaa fikiraa, habeenkii marka aan hurdana adiga ayaan kugu riyooda, daqiiqad walba oo noloshayda kamidana niyadayda ayaad ku jirtaa, waxaan hadiyad kuu siiyay, labada shay ee ugu qaalisan ee aan haysto oo ah: naftayda iyo waqtigayga; waanan ku faraxsanahay. Ogow, haddii aan ku waayo in aan badaha murugada galay, oo aanan qof kale doonahayn wax walba oo dhacaya.

Najma, ugu danbayn, yeel ama diid, anigu waxaan ahay qof si caddaana kuu jecel, horana waan kuu jeclaa imikana waan ku jeclahay, indhahaygu marka ay xidhan yihiin adiga ayaan ku arkaa, marka aan furana, waxaan jeclahay isla adiga inaan ku arko, indhahayguna waxa kaliya oo ay raadiyaan adiga. Adiga haddii aan ku waayo, gabi ahaantayba waan is beddalaa. Waxan oo dhan waali ku tilmaam, ama waxa aad doontid ku tilmaam, balse, aniga xaggayga waxa ay ka yihiin, jacayl.  Jacaylkana, sidiisaba dadka oo dhan wuu saameeyaa, laakin jacaylka aniga i haya mid lamida qof uu hayaa majiro, sababtoo ah, qofka aan jeclahay oo adiga ah qof lamida dunidan kuma noola, macnaha kuma ilaawi karo.  Najma, waxaan diyaar u ahay, noloshayda inta ka dhiman inaan ku jeclaado, naftu ilaa intay iga baxayso waan ku jeclahay. waana balan.”

Waqtigu wuu iska ordaay’e, Waxaa lasoo gaadhay habeenki ugu danbeeyay ee aan Hargeysa joogi lahaa, oo bari duhurka waan baxayaa, habeenkaas ayaan waxaan qaaday warqaddii, anoo ugu talo galay inaan isku biimeeyo oo aan u dhiibo. Waxaan soo qaatay labis kii ugu qurxoona ee aan haystay, xilli horeba waan soo baxay oo waxaan sii fadhiistay internetka Al Manaara, oo  kasoo horjeeda gurigooda. intaasba waxaan eegayaa kadinka gurigooda oo waxaan sugayaa in ay mar uun soo baxdo si aan ugu dhiibo, Laakiin, malinkaas nasiibkaygu wuu xumaa oo mabay soo bixin.

Salaaddii Maqrib markii laygu eedaamay meeshii, ayaan intoon shandadii ay warqadda iyo laabtoobku iigu jireen u dhiibay ninkii internetka haystay, oo aanu saaxiibo ahayn, waxa aan  aaday salaadda, markii aan ka soo laabtay ayaa waxa ay igaga soo horbaxday waddada misaajidka aan ku tukanayay “Masjidka Al Huda” hormarta, iyada oo wiil yar oo afar jir melahaas ah wadata, waxay ahayd fursad qaalli ah, laakiin, nasiib darro warqaddi xilligan mahayo oo waanigan kaga imi meheradda netka.

Si kastaba, meeshi ayaan haddana ku sugay oo mar labaad Cishaayigii laygu eedaamay.  Markan waan quustay, oo waxaan rabay inaan iskaga tago. inta aan alaabtaydi soo xidhxidhay ayaan u diyaar garoobay inaan gurigii iskaga laabto, warqaddana aan iska dhaafo oo aanan waxbana u dhiibin, talaabadii ugu horraysay markaan qaaday ayaa waxaan maqlay shanqadha albaabka, kadibna dib ayaan u eegay, isla markiiba waxa kasoo baxay wiilkii yaraa ee afar jirka ahaa oo ordaya. ma aqaano meesha uu ku socday e’, marka uu hortayda marayo ayaan inta aan gacanta qabtay ku idhi “adeer ma fiicantahay”, isna “haa” ayuu igu jawaabay, “adeer Najma ma walaashaaba” ayaan waydiyay ,“haa” ayuu igu jawaabay, markaasaa waxaan ku idhi, “ adeer waxaan ahay macallinka Najma iskuulka u dhiga, markaa imtixaan ayaan ka qaaday ardayda oo dhan, qof kastana warqaddiisa imtixaanka guriga ayaan ugu geynayay, markaa hoo warqaddan u gee Najma oo waxa aad ku tiraahdaa, macallinkaagi Axmed waxa uu ku yidhi; wataa warqaddii imtixaanku”, kadibna “haye” intuu iigu jawaabay ayuu dib u galay guriga, ana ma sugin e’ oo waxaan ka cabsi qabaa in dib laygu soo celiyo e’, isla markiiba waxaan ku booday baska oo gurigii ayaan aaday.

Waxaan fikiraba, oo aan is idhaa: tolow; may kaa aqbali mise way kugu saydhin, mayee suurta gal maaha qof afar sano jecel inay ku saydhisee kolay way kaa aqbalaysaa, haddana isla aniga uun baa isu jawaabayee, waxaan idhaa maya, markii horeba waa tii ku xumaysay  ee imikana malaha waa sidii uun, aniga oo isla hadal sidaas ah ku jira,  ayaa waxaa soo istaagayba, taksigii aan u raaci lahaa madaarka, waxooga markii aan xaafaddii soo macasalaameeyay, ayaan soo baxay, sidaas ayaanan kaga soo tegay Hargeysa.

Hadda intaan Suudaan joogayna wax jawaab ah kama helin. Mar waxaan is idhaahdaa kumaysan aqbalin, oo haddii ay ku aqbashay jawaab ayay kuu soo diri lahayd, marna waxaan  idhaa, mayee,  way ku aqbashee, laakiin meel ay kaalasoo xidhiidho ayay wayday; haddana, waxaan idhaa: oo sawdigii ciwaankaaga u qoray, siday u waayaysaa meel ay kaala soo xidhiidho? Dee mooji, haddaa malaha netka iyo sida loo isticmaalo ayaanay aqoon, waar iska daa waxa lagayaabaa inay bareefad gashay, oo ay soo baranayso isticmaalka netka, oo horta kaalay, saaxiibkaa Deeq sawka waddankii jooga maxaad ugu diri wayday, oo aad ugu odhan wayday; saaxib inantaas iisoo ogow inay joogto iyo inkale, dee imikaba u dir. Kadib markii aan warkeeda inbadan raadiyay, oo aan qof walba oo warkeeda soo agaan kara u diray, waxaan si fiican u helay warkeeda, waxaana isoo gaadhay maalinkii aan kasoo tagay waddanka, wax yar uun kadib iyana inay ka tagtay,  walina ay ka maqantahay.

DHAMMAAD

W/Q: Mahad Ibraahim Yuusuf

mahad123890@hotmail.com

Khartuum, Suudaan

 

Comments are closed