|

“Afartii malyan iyo Badhkii ma hayno, waxoogaa yar yar oo qosol-ku-jab ah daarihii hore lagu kordhi, Haddii laga tegi waayo……….” mujaahid. Boobe Yuusuc Ducaale.

Hargeysa:16-sep-2013(SDN)-Wasiirkii hore ee wasaaradda War-faafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan Yuusuf  Ducaale (Boobe) ayaa markii ugu horraysay ka hadlay dhibka iyo muranka sii kordhaya ee ka taagan Gegida Diyaaraduhu ka haadaan ee caasimadda Hargeysa.

boobeMujaahid Boobe oo Maalintii shalay waraysi gaar ah siiyey Shabakadda wararka ee Qurbejoog.com, ayaa  naqdiyey qaabka iyo Hannaanka aan toolmoonayn ee loo maamulay lacagtii Dawladda Kuwait ugu talo gashay in  lagu dayac tiro Garoonka Cigaal International Airport.

Ugu horrayn waxa uu mujaahidku waxa faah faahin kooban ka bixiyey meelaha ay maalmahan ugu dambaysay ku badnayd hadal-hayntu ee shacabku dhibta badan ka dareemayeen, “ Dhawaaqa ugu dambeeyey ee Baxayey Maalmahani waa saddex meelood oo kala ah,  madaarka hargeysa muranka ka taagan, midna waa shirkaddii shidaalka ka baadhaysay goobo ka mid ah dalka iy cashuuro  la leeyahay waa la kordhiyey oo la geynayo baarlamaanka ka sokow shir-beeloodyadii iska dhaqanka noqday intii maamulka siilaanyo uu talada dalka qabtay ee aad moodayso in dadka lagu dhirri gelinayo” ayuu yidhi mujaahid Boobe.

Mujaahid Boobe waxa uu farta ku fiiqay  innaanay shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airline lagu eedayn Karin Joojinta ay hakisay duulimaadyadeedii caasimadda Hargeysa, waxana uu yidhi, mashaqada ka taagan  Garoonka caasimadda Hargeysa, waxana uu carrabaabay lacago badan oo wasiirka duulistu sheegay inay garoonka gashay, waxana uu yidhi, “ Mushkiladda Garoonku ma aha mid ay leedahay Ethiopian Airline waayo waa shirkad ganacsi,  markaa sida muuqata eeddu innaga ayey inagu soo noqonaysaa toban milyan oo Doollar  Kuwait  baa Garoonka Hargeysa ugu deeqday, markii dambena Wasiirka Duulistu yidhi  hal milyan-na waxa ay ku baxeen sahankii, Sagaalkii kalena waxanu u kala qaybinay Garoomada Berbera iyo Hargeysa sidii wax ay Labada Garoon isku Baahan yihiin, caqliguna waxa uu ku siinayaa in baahida labada garoon kala mudan tahay.”

Mujaahid Cabdiraxmaan Yuusuf Boobe waxa uu sheegay in haddii la raaco sida uu wasiirka duulistu ku andoocanayo, ay tusaale fiican tahay Garoonka Diyaaraha ee Magaalada Jigjiga ee Dawlad-deegaanka soomaalida, waxana uu yidhi, “Haddii aynu raacno sida uu Wasiirka Duulistu sheegtay, Halkan waxa yaalla Jigjiga oo inoo jirta wax ka yar oo Lagu dhisay 3.68-milyan oo Doollar lagu dhisay, lagana soo bilaabay in beero jaad ah dadkii laga iibsado oo Geedkiiba la qiimeeyo, lagana dhisay madaar caalami ah oo ishii aragtaa daawanayso, islamarkaana ay u dhamaystiran yihiin dhamaanba wixii Garoon lahaan jirey ee dhisme iyo dhulba lahaa oo Gaaladu marka ay ka soo degaan yaabto”

Mujaahidka oo ka hadlaya dhal-dhaalinta kooban ee lagu sameeyey Garoonka Cigaal International Airport, ayaa yidhi, “Innaga wixii waxba inooma ay goyn , waa Been cidda tidhaahda garoonka Hargeysa waxba lagama qaban, laakiin  wixii loo baahnaa  ama Afartii malyan iyo Badhkii dee meeshii kama muuqdaan oo horta dhisme ma jiro, waxoogaa yar yar oo qosol-ku-jab ah daarihii hore lagu kordhiyey, Haddii laga tegi waayo, la buuxbuuxi Godad meesha ku yaallay, waddo laba kiiloomitir  iyo Badh ku dhawna  Lakab la saar oo la madoobee Siliggiina waa maqan yahay.”

Mujaahid Cabdiraxmaan Yuusuc ducaale (Boobe) waxa uu si cad u sheegay inay xukuumadda Somaliland meel kaga dhacday oo ceebaysay Magacii Caasimadda iyo kii qarankaba, waxana uu yidhi, “ Tobankeenii milyan  Haddii ay intaa inoo gooyeen innagaa daraygaa is dhignay oo caasimadda ceebaynay, xukuumaddaa ceebaysay Garoonka, Magacii caasimadda Somaliland iyo Magacii maxamed X. Ibraahim Cigaal, jabkii ku dhacay dadkii qurbejoogga ahaa iyadaa ku ceebaysan.”

Waxa kale oo uu mujaahidku ka hadlay cashuuraha xad-dhaafka ah ee  Madaxtooyadu soo waddo, isagoo golaha wakiilladana uga digay inay ka digtoonaadaan inay sii daayaan wax shacabka dhibaato ku ah oo aanay godobtii hore ee ay dadkooda ka galeen dhinaca cashuurta aanay mar dambe ku noqonin.

Sidoo kale waxa uu mujaahidku sheegay inaanay dadka qabanin in iyadoo la arkayo lacagtii madaarku inay luntay oo hadalkeedii taagan yahay in mar kale lagu yidhaahdo cashuuro hor leh bixiya, waxana uu xukuumadda ugu baaqay inay  cashuuraha ay haatan qaadaan ay dadka wax ugu qabtaan oo  caafimaadkooda iyo  daryeelka Noloshooda horumarinteeda kaga shaqeeyaan.

Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale oo ka mid ah dadka faro-ku-tiriska ah ee xaqiiqada biyo kama-dhibcaanka ah inta  badan ka hadla, waxana ay shacabku dhego-nugayl kula socdeen  qoraallo isdaba joog ahaa oo uu warbaahinta marin jirey.

 

Somalidiasporanews.com

Axmed Cumar Axmed

Hargeysa\somaliland.

Contacta@somalidiasporanews.com

Comments are closed