|

Afar shaqaale dhisme oo lagu dilay Aaga Gaarisa

Garrisa June 08, 2024(QJ)-Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar toos ah ku qaaday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, waxaana halkaasi ka bilowday dagaal loo adeegsaday qaraxyo.

Dagaal qaraar oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo labada dhinac soo kala gaaray.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxayna sheegeen in ay la beegsadeen saldhig ciidan oo ku yaalla Ceeldheer, ayna khasaare gaarsiiyeen ciidamada dowladda, sidoo kalena ay ka qabsadeen hub iyo saanad kale.

Dhanka kale ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaad deegaanka ah ayaa la sheegay in ay iska difaaceen weerarka.

Dowladda iyo Al-shabaab labaduba ma aysan bixin xog faahfaahsan oo ku saabsan inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Comments are closed