Afar Ruux oo Geeriyooday iyo 11 Kale oo Ku Dhaawacmay Gantaalo lagu Garaacay Xaafado ka tirsan Caasimadda Suuriya ee Dimishiq
Dimishiq 21. August 2017 (SDN/QJ):- Ugu yaraan afar ruux ayaa ku dhimatay 11 kalena waa ku dhaawacmeen ka dib markii axaddii maanta gantaalo lagu garaacay xaafado ka tirsan Magaalada Dimishiq ee Xarunta Dalka Suuriya.
Gantaalahan ayaa lala bartilmaameedsaday agagaarka xarunta ay ka socoto carwada caalamiga ah ee Ganacsiga qaybteedii 59-aad.
Sarkaal u hadlay dawlada Suuriya waxa uu sheegay in gantaalahan oo ah kuwa dalka gudihiisa lagu sameeyo ay gaysteen khasaare dhimasho iyo mid dhaawac, sidoo kalena ay waxyeelo u gaysteen xaruntii ay ka socotay bandhiga carwada ganacsiga ee Dimishiq oo dib loo bilaabay qabashadeeda mudo shan sanadood ah oo ay baaqatay ka dib, waxaana sanadkan ka soo qaybgalay shirkado ganacsi oo laga leeyahay illaa 46 dawladood oo caalamka ka tirsan.