Afar Kamid ah Soomaalida Ku Nool Findland Oo Lagu soo Rogay Xayiraad Aanay Dalkaas Kaga Bixi Karin
Helsinki:Dec,20,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda waddanka Finland, ayaa xukun xayiraad ah kusoo rogtay afar qof oo kamid ah soomaalida dalkaas ku nool.
Afartan qof oo dhammaandood haysta Dhalashada waddanka Finland, ayaa lagu eedaynayaa dambiyo la xidhiidha inay maaliyad ku taageereen Ururka Al-shabaab oo reer Galbeedku dagaal kula jiraan.
Maxkamadda magaalada Helsinki ee xarunta dalka Finland waxay xukunkan ku ridday afar qof oo saxaafaddu ay sheegtay inay ahaayeen sadex rag ah iyo haweeney, inkastoo wararka qaarkoodna ay sheegayaan inay dhammaantood ahaayeen rag.
Garsooraha maxkamadda ayaa sheegay in afartan ruux ay $3,900 ku yabooheen Xarakada Al-shabaab ee Somalia intii u dhexeysay sannadihii 2008 illaa 2011-kii, iyadoo la sheegay in uu xukunkan yahay kii ugu horreeyay oo la xidhiidha fal argagaxisenimo.
Saddex ka mid ah eedeysanayaashan ayaa lagu riday xukun xayiraad ah oo min shan sano ah, halka ruuxa kale lagu xukumay xayiraad hal sano iyo badh ah, kaasoo la sheegay in lagu helay dambi ah inuu walaalkiis iyo dad kale ku dhiirrigeliyay inay ku biraan Al-shabaab.
Eedeymaha loo haysto ruuxa afaraad ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah inuu ku qasbay inay tababarro kusoo qaataan saldhigyo ay Somalia ku leedahay Al-shabaab, iyadoo ay hadalka u dhigtay maxkamaddu in qaar ka mid ah dadkaas ay ahaayeen kuwo aan gaadhin da’dii ay ku qaan-gaadhi lahaayeen.
Maxkamaddu ma aanay sheegin magacyada afartan qof ee xukunka ay ku ridday shalay, iyadoo la sheegay in dadkani aanay ka bixi karin Finland tan iyo inta uu xabsiga xayiraadda ahi uga dhammaanayo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com