Afar Dhalinyaro Reer Hargeysa Ah Oo Goordhaweyd Badda Berbera Liqday.
Berbera, 08 Oct 2015 (SDN/QJ)-Shil Naxdin leh ayaa Galabta ka dhacay Xeebta Magaalada Berbera Kadib Markii ay Badu Liqday Afar dhallinyaro ah oo ka Tegay Caasimada Dalka ee Hargaysa,una Tegay berbera Dalxiis.
Afartan Dhallinyarada ah ee Badu Liqday ayaa Deganaa Degmada Maxamud Haybe Gaar ahaan Xaafadaha Calaamaha iyo Jameecada Waxayna magacyadoodu waxay kala Yihiin
Axmed Haybe Cabdi : Xaafadda Calaamadda
Xasan Cisman Axmed : Xaafadda Jameecada
Siciid Maxamud C.laahi : Xaafadda Calaamdada
Siciid Cismaan Maxamed : Xaafadda Calaamadda.
Afartan dhallinyarada ah ayaa la sheegay inay Wax ka bartan Jireen dugsiyada sare ee Magaalada Hargeysa.
Hay’adaha Ammaanka, Wasaaradda Waxbarashada iyo Dugsigii ay katirsanaayeen midna wali kama hadlin masiibadan dhacday ee ay ku dhinteen Dhallinyaradani.
Dhacdadan murugada leh, ayaa imanaysa Toddobaadyo kadib markii ay Badda Berbera sidan oo kale u liqday Laba Dhallinyaro ka tegay Magaalada Hargeysa, kuwaas oo Isla halkaas ku geeriyooday.
Badda Berbera oo kamid ah meelaha Da’yarta Reer Somaliland dalxiiska u tagaan, Ayaan haba yaraatee lahayn wax Ilaalo ah oo dadka ka badbaadin karta Dhibaatooyinka noocan oo kale ah, waxana si joogto ah halkaas uga yimaadda Dhawaaqyo naxdin leh oo Dhallinyaradu si joogto ah ugu dhimato.