|

Afar askari oo ka tirsan ciidanka qalabka sida ee somaliya oo Maanta dil qisaas ah lagu fuliyey

toogashoMugdisho:27-july-2013 (SDN)Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya ayaa saaka fal toogasho ah waxa ay ku fulisay askar ka tirsan ciidanka Dowladda Soomaaliya oo horr dilal ugeestay.

Falkan toogashada ah ayaa waxa ay ka dhacday barxada iskuul Buluuziyo ee Magaalada Muqdisho,halkaasi oo ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo maxkamada ciidanka qalabka sida.

Askarta falka toogashada ah lagu fuliyay ayaa waxa ay gaadhayaan ilaa afar askari kuwaasi oo maxkamada magacyadooda ay ku sheegtay Cali Maxamed Aadan,Cismaan Maxamed Diiriye,Ibraahin Maxamed Xuseen iyo Xasan Maxamuud Abuukar oo dhamaantood ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

Afarta askari ee dilka loo geystay saddex kamid ah waxa ay ku eedeesnaayeen dilka askari ka tirsan ciidanka dowladda gaar ahaan guutada ilaalada madaxtooyada oo ay hore udileen markii ay ismaandhaafeen.

Askariga afaraad ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Ex Dable Xasan Maxamuud Abuukar oo falka dilka ah lagu fuliyay,iyadoo askarigan lagu eedeeyay fal dil ah oo uu geystay taariiqda markii ay aheyd 29-5-2012 uuna dilay C/laahi Maxamed Xuseen kuna dilay Degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir.

Dalwalada somaliya ayaa badanaaba waxa ay ciidankeeda ku fulisaa dilal kala duwan, waxana arrinta looga gol-leeyahay in lagu joojiyo gaboodfalladda ay ciidanku geystaan siiba kuwa ay u geystaan dadka shacabka ah oo ah arrin fool xumo weyn ku ah xukuumadda federaalka ah ee Somalia.

Somalidiasporanews.com

Mugdisho Office.

Comments are closed