|

“Adigu in maxkamad lagu soo taago ayaad istaahishaa, sababta oo ah waxa shaki leh inaad mar wada jawaabteen dawladdii Soomaaliya,”Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga WADDANI

Hargaysa 21.Nov 2013 (SDN)- Xoghayaha Arrimaha Gudaha iyo Difaaca ee xisbiga WADDANI Axmed Maxamed Filanwaa, ayaa raali-gelin ka bixiyay eedo iyo naqdi uu Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee xisbigaasi Axmed Muumin Seed u jeediyay Wasiirka Daakhiliga oo uu ku tilmaamay inuu ahaa dadkii UDUB soo baa’biiyay.

Mr. Axmed Maxamed Filanwaa waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu maanta u warramay Telefishanka SLNTV, waxaanu sheegay in xisbi ahaan ay Wasiirka Arrimaha Gudaha ka xaal siinayaan eedo qadaf uu ku tilmaamay oo Guddoomiye Ku xigeenkoodu u jeediyay.

xisbiga-WADDANI“Waxaan leeyahay Axmed Muumin Seed, Haddii Wasiirka Daakhiligu uu ka hadlay cadowga uu inoo soo maleegayo Madaxweynaha Soomaaliya, adigu maxaad qoonsatay?. Waxaan leeyahay xisbiga shacbiga ha ka didinin,”ayuu yidhi Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga WADDANI.
Mr. Filanwaa isagoo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Cali Waran-cadde ha noqdo Wasiir dawladeed, hase yeeshee xisbi ahaan wuxuu innaga mudan yahay sharaf. Waxa uu ahaa raggii tacabka geliyay inuu WADDANI u soo baxo xisbinimo, waxa uu Cadaadlay, Sabo-wanaag iyo Gacan-libaax ka keenay 47 kun oo cod.”

“Cali Waran-cadde ma uu baa’biin UDUB, ee wixii xisbigaas baa’biiyay annaga ayaa garnayna ee Adigu (Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee WADDANI) ma garanaysid cidii baa’biisay UDUB.

“Adigu in maxkamad lagu soo taago ayaad istaahishaa, sababta oo ah waxa shaki leh inaad mar wada jawaabteen dawladdii Soomaaliya, waxaan ku leeyahay saddex bilood ayaad naga maqnayde’ xisbiga inta uu Guddoomiyihii imanayo dadka ha ka didin,”ayuu Xoghayaha Arrimaha Gudaha WADDANI sheegay.

Sidoo kale Mr. Filanwaa waxa uu ku dhallilay xisbigiisa WADDANI wax uu ugu yeedhay isdhex-galka WADDANI iyo UCID, waxaanu yidhi “Maxaa qoorta inoo sudhay UCID, waxaynu nahay laba xisbi oo taageerro ahaan aan isku dhawayn, caagad buuxda iyo mid madhan-na la iskuma dhufto.”

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed