|

Adhicadeys: Geerida Wadahadalkii Khaatumo, Loollanka Kooxaha Waydeeyay, Iskushaandhaynta Siilaanyo & Isa Seega Mashaariicda

Adhicadeys 21.Aug 2016 (SDN/QJ):- Iyadoo Madaxweyne Siilaanyo uu habeen hore u hoyday magaaladda Laascaanood, Isagoo halkaana kaga qaybgeli doonna xaflad lagu iclaaminayo bilowga diiwaangelinta cod bixiyayaasha gobolkaa, taasoo ay ka qaybgeli doonnaan madaxda axsaabta, xukuumadda iyo komishanka doorashadu, ayaa dhanka kale waxa soo baxaya tibaaxo tusmaynaya, baaxaadeg iskhilaafka dhawr qodob sida; wadahadalkii xukuumaddu la waday kooxda Cali Khaliif, madax dhaqameed sheegay in aanay wax la ogayn,heshiiskii Awrboogays, isku shaandhayntii uu sameeyay Madaxweynuhu iyo qorshaha diiwaangelinta.

CALI-KHALIIF-GALAYDH-IYO-AXMED-MAXAMED-SIILAANYOInkastoo kooxda Cali Khaliif iyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay isku hor fadhiisteen wejigii hore ee wadahadal lagu beegsanayo heshiis, kaasoo ka dhacay magaaladda Caynaba, haddana, waxa la tilmaamayaa inay durba daruuro kale hadheeyeen, xaalkuna u eg yahay mid wax iska bedeleen sidii lagu bilaabay.

Hirdan badan oo waydaynaya awoodda kooxda xukuumaddu la furtay wadahadalka, ayaa ka barbar istaadhmay  fadhigii hore, isla markaana qaar badan oo ka mid ah madax dhaqameedka beelahaa ayaa ku dhawaaqay in aanay la ogayn Cali Khaliif hawshaa uu galay.

Siday dhawaaqyaddoodu u dhacayeen umay muuqan qaar diidan in wadahadal lala galo Somaliland, balse waxay diidanaayeen sida wax ku bilowdeen oo ay u arkayeen mid aan laga talagelin. Barnaamijkan Kooxda Khaatumo iyo Xukuumadda Somaliland isku hor fadhiisteen ka hor waxa Awrboogays ka dhacay shir beelleed ay heshiis ku kala saxeexdeen dadka deegaankaa iyo xukuumadda Siilaanyo, kaasoo saamayntiisa laga eegayay isbedelka u horeeya.

 

Wadahadaladdaa iyo duruufaha kale ee jiray ayaa markaa loo aanaynayaa inay sababeen in dib loo dhigo waqtiga ay gobolka Sool iyo Buuhoodle ka bilaabmayso diiwaangelinta cod bixiyayaashu, taasoo qorshuhu ahaa inay bilaabato 13.August, balse dib loogu dhigay 23.August oo ay ka bilaabmi doonto.

Sidaa aawadeed waxay bilaabmaysaa iyadoo aan heshiis gunaanad ah lagama gaadhin wadahadalkii kooxda Khaatumo lala furay. Ku xigeenka Khaatumo Cabdalle Maxamuud Cali oo arrimahaa ka hadlayna wuxuu sheegay in talaabadan lagaga bilaabayo diiwaangelinta deegaanadda Sool iyo Buuhoodle ay tahay mid ka hor imanaysa wax uu ugu yeedhay heshiis hordhac ah oo ay kaga gaadheen wejigii hore ee wadahadalka ay la bilaabeen Xukuumadda Somaliland. “Haddii la rabo in laga midha dhaliyo wadahadalka in la dhawro bay ahayd. haddii ay taasi dhacdo waxa jabaya heshiiskii wadahadlkii la shaaciyay, mana sii socon doono, wax aanu ka wada hadli doonnaana ma jiri doonto” ayuu yidhi Cabdalle.

 

Geesta kale wuxuu hadalka ninkani akidayaa hadal hayn la xidhiidha in daymadda xukuumadda ee miisaanka wadahadalkii lala furay kooxdaasi ay haatan ka hooseeyso tii bilowgii, taa bedelkeedana ay wax ka eegayso dhinac kale ficilkeeduna u dhacayo,isla markaana waxa soo kordhaya loolanka iyo hirdanka sed kala riixashada ee beelaha deegaanaddaa, kaasoo loo arko inuu haatan abuuray awoodo beretamaya, balse  isku shaandhayntii uu sameeyay Madaxweyne Siilaanyo oo dadka siyaasadda indha indheeyaa u arkaan mid mindi roortayn ku ahayd isfaham laga gaadho wadahadalkii kooxda khaatumo lala furay, ayaa muujiyay in culayska saartay jidka Laascaanood, ilaa sagaal xil oo uu magacaabayna  aanay badi geesna u dhaafsanayn dariiqaa.

Shir la sheegay inay ku kulansan yihiin waxgaradka goboladda Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle oo doraad madaxweyne Siilaanyo ka furay Adhicadeeye ayaa isna muujinaya isbedelka dhacay.

 

Hogaamiyaha kooxdaa Cali Khaliif laftiisa oo ka hadlay wadahadalka ay la fureen somaliland wuxuu sheegay in aanuu ahayn mid shakhsi danaysi ah, isla markaana wuxuu muujiyay jiritaanka hirdanka awoodaha beelahaa dhexdooda. Mar uu amuurahaa ka hadalayayana wuxuu yidhi; “Waxaanu kala hadlaynaa somaliland anagu wasiiro ka noqon mayno oo ma rabno, baabuur kama rabno, dhaqaale kama rabno, waxaanu ka rabnaa waxay ixtiraameen Khaatumo inuu maamul yahay. Hadda xanteena iyo xifaaltankeena ma ahayne inta loo gacan haadinayo ee dhaqaaqday ee meelo aynu wada ognahay istubtay, ee  cuqaashoodii, waxgaradkoodii iyo dhalinyaradoodii wada leeyihiin yaan la inaga dheerayn, waar hooy meesha lagu socdo anagu cidna kula tartami mayno in aanu gun noqono, ciddii gunnimo ku tartamaysow anaga xagayaga taageero kama helaysid.”

Comments are closed