Adeegga Internetka ee Fibre Optic Oo Maalintii 3 Aad Ka Maqan Koofurta Iyo Bartamaha Soomaaliya iyo Markabrkii Samayn Lahaa…
Muqdisho 28. June 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Maalintii 3 aad ka maqan goblada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya Adeeggii Internetka ee loo yaqiinay Fibre Optic kaasoo ahaa Fiilada kaliya ee laga isticmaalayay inta badan Dalka Soomaaliya.
Maqnaashaha Internetka ayaa yeeshay saamayn xoogan oo sababay in ay istaagaan inta badan adeegyadii guud ee aas aasiga ahaa iyo waliba adeegii dowladda soomaaliya ay u fidin jirtay shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa maqnaashaha Internet ku sababay in aysan shaqayn inta badan Xawaaladihii Soomaaliyeed iyo Waliba Bankiyadii waa wynaa ee ku yeelay goblada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya iyo waliba Shirkadii ka shaqayn jiray Jarista tikidhada Diyaraadaha ee yimaada Dalka Soomaaliya iyo Caalamkaba.
Dhanka kale War hadda ku soo dhacay Xafiiska Warqabakda Qurbejoog ayaa sheegay in Markabkii samayn lahaa Fiilada ka go;day badda uu helay Ogolaanshaha uu ku soo gali lahaa biyaha Soomaaliya waxaana Xafiiska ku soo dhacday Warqad ay qortay dowladda Soomaaliya taasoo cadaynaysa In uu markabkaasi fasax u yahay Biyaha Soomaaliya.
Ugu danbayntii Maqnaasha Adeegga Internetka ayaa Jahawareer ku riday Bulshada Soomaaliyeed kadib markii ay waayeen adeeggii interketka oo bulshada u haa adeega 1 aad ee kula xariiraan dadyoow badan ee ku kala dhaqan dunida dacaladeeda.