Adduun dhan Hal Milyan oo Shilling Kenya oo lagu Dayactiray Qabriga Obama Aabihii
Aabihii waxa uu ku aasan yahay Afrika, hooyadiina maydkeeda inta la gubay ayuu dambaskii ku daray bad weynta… Waxaa soo ururiyey Kamaal A. Ali
Nairobi 26.July 2015 (SDN/QJ)- Madaxweyne Barak Obama qabriga aabihii waxa uu ku yaallaa tuulada Kogelo oo magaalada xarunta ah ee Nayroobi u jirta in ka badan 400 oo kilomitir oo dhinaca xuduudka Uganda ka xigo ah.
Dad badan ayaa horeba u bilaabay doodda ah in Qabriga Xuseen Obama sida uu yahay, dhulka iyo deegaanka uu ku yaallo iyo tuulaha Kogelo aanay u qalmin heerka wiilkiisa madaxweynaha u ah dawladda dunida ugu awoodda badan.
Waxaa dilay kharaab iyo burbur dayacaadi keentay, sida ka muuqata sawirro uu talefishanka Al-Carabiya helayna waxaa la moodaa in dhulka uu ku yaallo uu mar dhulgariir k dhacay, ama in si badheedh ah cidi u burburisay si ay ugu xumayso wiilkiisa xalay booqashada ku yimid Kenya laguna wado in uu Axadda u dhaafo dhinaca dalka Itoobiya, isaga oo aan sii marin qabriga aabihii si uu ugu yaraan daqiiqado xus ah ugu sameeyo aabihiisa ay kala diinta ahaayeen ee isaga oo da’da ninku ugu ragannimaa badan yahay ku jira ku dhintay shilka baabuur, kadib markii sannadkii 1982kii gaadhi uu watay uu la jiidhay geed ku yaalla magaalada Nairobi.
Xilligaas oo uu wiilkiisan madaxweynaha noqday ahaa 21 sano jir jaamacadda Colombia ee dalka Maraykanka arday ka ah.
Qabriga Aabaha oo qudhiisana magaciisa la odhan jiray Baraak Xuseen Obama, sannado badan ayaa uu sidan kharaab u ahaa, wiilkiisa la og yahay in uu ka mid yahay ragga Maraykank ugu qaninsan (Obama) isna Hal doolar uma uu soo dirin in uu ku darsado dacaytirka qabriga aabihii oo masuuliyiinta Kenya ay iyadu isu xilqaameen dayactirkiisa oo gacanta laga qaadday laba toddobaad ka hor.
Maamul-goboleedka Siaya oo uu ka tirsan yahay tuulaha iyo dhulka Qabrigu ku yaallo ayaa laba bilood ka hor ku dhawaaqay in ay Hal Milyan oo Shilinka Kenya ah u diyaariyeen dayactirka Qabriga.
Lacagtan u dhiganta 10 Kun ee doolarka Maraykanka ah sababta ugu weyn ee ay Qabriga u geliyeen masuuliyiinta gobolku waxa ay ahayd iyaga oo moodayey in marka uu Marxuumkan, wiilkiisu uu Kenya yimaaddo u soo dusi doono qabriga aabihii iyo tuulihii dhiiggiisu ka soo jeeday, waxa ay kala xishoodeen in uu arko qabrigii aabihii oo burburay, kana muuqato dayacaad 33 jirsatay oo uu qabay tan iyo maalintii lagu aasay.
Booqashadii 1987kii ee Obama
Warka ah in dayactir lagu samaynayo qabriga Obama aabihii waxaa sheegay Joseph Oogutu oo ah wasiirka dalxiiska ee dawlad-deegaanka, mar uu bishii shanaad ee May 2015ka la hadlay wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Kenya, laakiin waxaa ka raacday eed iyo dhalleecayn kulul. Markii bil kadib la ogaaday in Obama aanu booqan doonin tuulaha qoyskiisu ka soo jeedo ee Kogelo iyo qabrigii aabihii, ayaa ay mucaaradku si kulul ugu eedeeyeen wasiir Josefph in ay aad u badan tahay lacagta uu ku bixiyey dayactirka qabrigan aanu marxuumka ku jira wiilkiisu soo booqanayn.
Laakiin wasiir Joseph waxa uu isku difaacay war aanu markaas hore sheegin oo cusub. Waxa uu sheegay in sababta uu lacagtan ugu bixiyey qabrigu aanay ahayn keliya imaanshiyaha Obama balse ay tahay qorshe uu doonayo in goobtan laga dhigo goob dalxiis, lana habeeyo oo la ballaadhiyo, waxa uu ku andacooday in maalin kasta ay qabrigan dalxiis ku yimaaddaan 30 qof oo dunida daafaheeda oo dhan ka yimid, dadkaasina aanay haysan meel ay ku negaadaan iyo meel ay ku nastaan midna, laakiin wasiirku warkiisa ma’ uu raacin sababta dadka dalxiisayaasha ah xiisaha u gelisay tuulada Kogelo iyo qabriga Barak Xuseen Obama.
Shabakadda Al-Carabiya oo uu Geeska Afrika warkan ka soo xigtayna baadhis iyo dabagal gaar ah oo ay ku samaysay waa ay ku weyday wax xiiso gaar ah leh oo dadka ku kallifiba kara in ay deegaankan iyo qabrigan dalxiis ku tagaan.
Meel dhowr mitir uun u jirta qabriga Barak Xuseen Obama oo dhalay Saddex iyo Konton jirka Maraykanka hoggaamiya, waxaa isna ku aasan aabihiisii ka sii horreeyey ee Xuseen Obama oo dhinaca abtirsiinta Madaweynaha Maraykanka awoowgii ah.
Obama sannadkii 1987kii ayaa uu booqday tuulada Kogelo, waxa aanu ku soo bartay qaraabada iyo qoyskiisa deggen iyo Xaajiyadda waayeelka ah ee lagu magacaabo Maama Saarah oo uu u tixgeliyo in ay ayeeyadii tahay, in kasta oo aanu xidhiidh dhiig oo run ahi ka dhaxayn, maadaama oo ay tahay keliya xaaskii saddexaad ee awoowgiisa dhalay aabihii oo lagu magacaabi jiray Xusseen Onyango Obama.
Obama qabriyada waalidka nasiib kuma laha:
Booqashadaas hore ee Obama oo hadda laga joogo 28 sano, dadkii ku xeernaa iyo ehelkii xog’ogaalka u ahaa kama ay dareemin haba yaraato ee in uu si uun gaar ugu danaynayo ama deymo gaar ah ku eegayo qabriga, meel ka durugsan qabriga masaafad dhowr mitir ah ayaa inta uu soo istaagay uu cabbaar taagnaa sida ruux Faataxada u maraya, waa haddii uu waqtigaas Muslim ahaan lahaa ee, ama aynu nidhaahno daqiiqad aamus ah ayaa uu taagnaa, laakiin dadka deggen Kogelo oo imika tiradoodu dhan tahay 3700 oo ruux xitaa ma’ay dareemin cidda timid tuulahooda iyo qabriga la tegey midna.
Mar labaad ayaa uu Obama Kenya soo booqday sannadkii 2006dii, isaga oo markan ahaa xildhibaan ka tirsan golaha Kongareeska oo laga soo doorto gobolka Illinois.
Booqashadaas labaad waxaa la socday xaaskiisa iyo labadiisa hablood, sida ay Al-Carabiya ogaatayna lagama dareemin wax xidhiidh adag ah oo ka dhexeeya xildhibaanka iyo qabrigan, inkasta oo xilligii uu dhintay aabihii isaga oo 45 jir ah uu aaskiisa ka soo qayb galay.
Dad badan oo reer Kenya iyo dalal kalaba ah ayaa qoray in xilligii uu Barak Xuseen Obama dhintay uu ku jiray xaalad nafsi ah oo aan fiicnayn, kadib markii laga eryey shirkad shidaal oo dawladdu lahayd oo uu ka shaqaynayey.
Kadibna uu dawo biday in uu khamriga laasimo oo habeen iyo dharaarba uu cabbo, aakhirkiina ay natiijadu noqotay in uu shilkaas xanuunka badan ku geeriyoodo. Waxa uu ifka kaga tegey 8 wiil oo ay u dhaleen 5 xaas oo midkood Yuhuudiyad ahayd hooyana u tahay wiil hadda Yuhuudi ah oo ay madaxweynaha dhinaca aabe ka walaal noqonayaan oo deggen dalka China laguna magacaabo Marc Obama Ndesanju.
Sida muuqata Obama dhinaca qubuurta Ayaan kuma laha Obama, Isagu waa Maraykan masiixi ah oo deggen dalkiisa, laakiin aabihiisa muslimka ahaa waxa uu ku aasan yahay qabri aad uga fog oo Afrika ku yaalla, hooyadiina meel uu kaga waramo maydkeeda ma garanayo, waayo sannadkii 1995kii markii ay u dhimatay xanuunka Kansarka waxa ay dardaarantay in la gubo kadibna dambaskeeda lagu daadiyo badda.
Obama laftiisa iyo Maya Soetoro oo ah walaashiisa dhinaca hooyo oo iyadana uu dhalay aabo muslim ah oo u dhashay dalka Indonesia ayaa inta ay qaadeen dambaskii maydka hooyadood ka hadhay waxa ay ku dareen badweynta Deggen (Baasifigga) ee marta gobolka ay deggenaayeen ee Hawaii, isla biyahaas ayaa uu mar kale sannadkii 2008da isaga oo markaas uun madaxweynaha Maraykanka noqday waxa uu biyaha baddan ku daray dambaska ka hadhay maydka ayeeyadiisii ku soo tacabtay ee Medellin oo dardaarantay sidii inanteeda oo kale in la gubo baddana lagu daro.
Xigasho Wargayska Geeska Africa