Addunyada Badeeco la Dhiifiye Maqlay Laakin Gabdho la Dhoofiyay waa Noo Kow Hortiin
1) Damqasha la’aanta dowladenna! 2) Danaha Sacudigu Dumarkenna kaleyahay! 3) Dawarsigga loo horseedayo Hablahenna da’yartaa! ”Ma Dumarkii Somaliyed, ee dadka ugu sareeyay, ayaa dawarssi loo diray? ”Ma Dowladaan ogsoneyn danaha Sacudigu dumarkenna kaleyahay? Damqasha la’aanta dowladennu waa midda kentay in maanta eey aqbalaan in Dumarkennii wanaagsanaa, Sacudigu siddii xoolihii soo dalbadaan, ee eey dhahaan dhowr boqol oo gabdho Somaliyed ah ayaan uga baahannahay Somaliya, si eey u noqdaan booyaasayaal (amaba QADAAMOOYIN) ayaddoo weliba Dowladda badan oo African ah sidda Nigeria, Kenya, Ethopia, oo eey Sacuudiggu ayaganna ka codsaden in eey gabdho badan usoo diraan, eeyna ka diideen una arkeen arinkaasi in oow yahay wax dadnimadodda, dowladnimadodda, iyo weliba sharafta Dumarkodda meel kadhac ku ah. “Hadabba ”Su’aashu waxey tahay haddiiba Dowladihii kale ee African ahaa gaaladda ahaa iyo weliba dowladda kale oo muslim ah intaba eey diiden in dumarkoodda la’adoonsaddo, maxaa Dowladenna udiiday in eey dafiraan arinkaas gabdhahenanna ugu diidi waayeen in Sacuudiggu derbiyadda ku xaaqo? Waa maxay damiir la’aantaasi? ma dumarkeenna u qalma in derbi lagu sifeeyo. arinkaas diidnay annagu, una dulqaadan meynno. ”Danaha sacuudiggu Dumarkenna kaleyahay waa u cadahay, qof walba oo dareen wadaninimo, damiir somalinimo, & dinqasho islannimo leh. ”Sidda qof walba oo somali ah ogyahay oo oow ka dheragsan-yahay Sacuudigu waa wadanka keliya ee soo tarxiila dadka somaliyed ee ku nool wadankiisa, welibana soo tarxiilayay ilaa iyo labaatan iyo sanno ee aan dowlad la’aanta aheyn, dadka eey soo tarxiilaan waxaa kamid ah hooyoyin somaliyed oo umulay, oo ayaga oo ilmahoddii iyo ayaggu kala maqanyihiin, eey hooyoyinka suuqa kasoo qa qabtaan kadibna eey toos usoo tarxiilaan, qof walba oo somali ah, damiir somalinnimo kujirtaahi waa dareemi karaa xanuunka eey ledahay Hooyo ilmahedda usoo shaqo tagtay, oo saakay u raadisay nolal maalmedkoodda ugana tagtay caruurtedda qol cidlo ah ayaddii dhex laga qabtay duhurkiinna laga dejiyay Somaliya, amaba maalma badan oo xabsi dheer iyo nolal madoow ah kadib laga dejiyay Somaliya, ayaddoo aan ilmaheddii nolal iyo geeri midna ku ogeyn, waxaa intaa kaaga sii daran dadka kuwa la jooga aad ayey u dilaan dubkanna waa kasaaran, ayagoo weliba adoonsadda, ulana dhaqma, adoon ayaggu eey leyihiin (Alle SW) kasokoow. Aanfo kama horeyso inantaadda u dir nin adoonsanaaya. ”Waxaa jira gabdha Somaliyed oo kabadan kuwa eey soo dalbadeen kuna nool Sacuudiga sharcinna aan ku heysan, lkin kuwa eey somaliya ka rabaan uga sahlan maaddaaba ayaggu eey luuqaddii yaqaanan, dhaqankiinna fahmayaan, wadankiinna joogan, marka su’aasha kale waxeey tahay! maxeey u shaqaaleysiin waayeen kuwaas markeey kuwa cusub oo aan luuqad dad iyo dal midna ka garaneyn Sacudiggu eey ka dalbanayaan somaliya? ”Hadabba sababtu waxeey tahay, eey kuwaan urabaan uganna tegayaan kuwa wadanka horay u joogay, fahansan luuqadda dhaqanka Iwm in eey u arkaan haddii eey kuwaas shaqo siiyaan in eeysan adoonsan karin maadabba ayaggu eey yihiin, dad ayaggu wadanka iskeenay oo cagahoodda ku yimid, sidaas dartednna, eeysan fududeyn in toos loogu sameyn karro wax walba, sidda kufsigga, jirdilka Iwm lkin kuwaan ayaggu eey kensadeen eey u fududdahay in eey wax walba ku sameyn karaan. ”Dawarsigga loo horseddayo hablahenna da’yarta ah! sidda lawadda ogsoonyahay gabari waa hilib geed saaran, Diintenna Islamku waxeey na fareysaa in eysan gabarru muxram la’aan socon karin meel aadi karin, maaddaaba eey sidaas tahay yaa u muxram ah gabdhahenna da’yarta ah ee Dowladaha islameyd diyaaraddaha loo saarayo? Mid kalenna ku darsee Sacuudigu uma ogala gabdhahoodda iska daa in dowlad soo dalbatay diyaaraddo loo saaree in eey albaabka kabaxaan ayaggoo bilaa muxram ah, waxeynna rabaan in eey boqolaal gabdhahenna da’yarta ah diyaaraddo ku qaataan, war ma ayaggaa naga gabdha fiican? maya xaqiiqo nagama gabdha fiicnna lkin waa naga dowlad ficanyihiin. Ishiisa laga arkaa ushiisa laggu dilaa ayeey dhahaan Somalidu. ”Dad badan oo somaliyed ayaa waxa laga yaabaa in ey qabaan fekerka ah, war gabdhuhu awalba waa soo tahriibi lahaayeenne, maadaabba loo fududeeyay safarkii oo diyaarad lagu kenay sow wax wanaagsan maaha: dadka taas aaminsan waxaa ka maqan gabadhaha kuwa soo -tahriibaahi hadeysan dhiman waxeey ku nolaadaan xoriyad, xoriyaduna majirtee si dhaanta sidaan hadda lagu kensanayo, waayoo markey soo tahriibaan majirro qof ama qolo eey u joogaan, oo u arka in eey yihiin dad ayaggu eey leyihiin. Waxaa jira dad kale oo aaminsan safaarad ayaa keneysa oo gacanta ku heysa, war safaaraddu maxeey ka ogtahay xageyse safarad isku arkayaan markii la keennaba midba qolaa wadaneysee.
“DHAMAAD
- Ahmednur Giindhe Mohamed Ginde