Addis Ababa: Sagaal Wariye Oo Maxkamadayntooda Dib Loo Dhigay Mar Kale
Addis Ababa:Aug,05,2014(SDN/QJ)-Waxa Dib Loo Dhigay Xukunka Koox wariyayaal ah oo Dawladda Ethiopia muddo badan Xabsiga ku Haysay kuwaas oo lagu eedeeyey Arrimo Argagixiso.
Wariyeyaashan oo maxkamad lagu soo taagay magaalada Addis Ababa ayaa waxaa ay tiradooda gaaadhayaan Sagaal, kuwaasi oo wax ku qora baraha bulshada, waxaana Kooxdan Caalamka looga Yaqaanaa Zone-9,ama Qaybta 9-aad.
Wariyayaashan Waxaa lagu eedeynayaa inay ku lug lahaayeen falal argegixisanimo oo dhacay, iyagoo eedeyntaasina iska fogeeyay.
Maxkamaddeynta Wariyeyaashan ayaa waxaa kasoo qeybgalay dadweyne fara badan iyo dad kale oo dalka dibadiisa ka tegay una dooda xaquuqda aadanaha.
Guddiyada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dowladda Itoobiya ku eedeynayo in sharciyada argegixisanimada ay u adeegsanayso inay ku cabbudhiso xorriyadda saxaafadda.
Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa Midowga Yurub waxay ugu baaqeen dawladda Itoobiya inay hubiso in maxakamadaynta raggan ay u dhacdo si hufan oo caddaalad ku salaysan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com