|

Addis Ababa oo Saaka Mudaharaad ku Waaberisatay,Calanka Itoobiya oo dhulka la dhigay Iyo Tiro dad ah oo Xabsiyada lagu Guray

Addis Ababa 06.July 2016 (SDN/QJ):-Booliiska magaalada Addis Ababa ayaa kala eryay dad mudaaharaadayay waxayna xireen tiro ka mid ah.
Dadkaasi waxay ku isu soo baxeen fagaaraha ugu wayn magaalada.
Tiro dad ah ayaa iyagana dhaawacmay kaddib markii ay booliisku garaaceen.
demonstrations in Addis AbabaWadooyinka waawayn ee soo gala fagaarahaas waxaajid gooyooyin dhigtay booliiska faderaalka oo aad u hubaysan.
BBC-da ayaa aragtay dhallinyaro la xirayo oo qasab lagu saarayo gawaarida booliiska.
Waxaa jira warar kale oo sheegaya in Mudaaharaadyo ay ka socdaan magaalooyinka kale ee gobolka Oromada, deegaankaas oo ah kan ugu ballaaran dalka Itoobiya.
Mudaaharaadkan waxaa ku baaqay dadka u ol’oleeya qawmiyadda Itoobiya ugu ballaaran ee Oromada.
Waxay sheegayaan in dawladdu dishay boqolaal dadkooda ah ayna xirtay kumanaan kale tan iyo markii ay mudaaharaadyadu bilawdeen bishii 11 ee sandkii hore.

Waxaa Gabi Ahaanba Dhulka La Dhigay Calankii Itoobiya Meelo Badan Oo Ka Mida Goobaha Ay Dagaan Oromada, Canfarta, Iyo Amxaaradu,

Kacdoonadan Iyo Dhaqdhaqaaqyadan Siyaasaddeed Ee Ka Bilowday Itoobiya Ayaan La Saadaalin Karin Halka Ay Ku Dambayn-Doonaan

Waxaanse Itoobiya Markii Ugu Horaysay Ku Sii Qulqulaya Warbaahinta Aduunka Si Aya Halkaasi Ugu Soo Tabiyaan Wararka Dhabta Ah Ee Halkaasi Ka Jira.

Comments are closed