Addis Ababa: Madaxweyne kuxigeenka Somaliland oo ka qaybgalay munaasibad lagu xusayay maalinta Qaranimada Sweden
Addis Ababa 07, June 2012 (Qurbejoog.com)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraaxmaan Cabdulaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefti uu hoggaaminayo oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Addis Ababa, ayaa ka qaybgalay munaasibad loogu dabaal-degayay maalinta qaranimadda dalka Sweden.
Munaasibaddan oo lagu qabtay safaaradda Sweden ee caasimadda Itoobiya, waxa ka qaybgalay wasiirka Khaarajiga Itoobiya, ahna Raysul-wasaare kuxigeenka dalkaas Mr. Haile Mariam iyo danjireyaal badan oo fadhigoodu yahay Addis Ababa.
Madaxweyne kuxigeenku waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray xukuumadda iyo shacbiga dalka Sweden oo uu ku bogaadiyay xuska maalinta qaran ee dalkooda.
Sida uu sheegay Telefishanka afka dawladda ku hadla ee SLNTV, Madaxweyne kuxigeenku waxa uu ka qaybgalka munaasibaddaas uga faa’iidaystay inuu kulan gaar gaar ah la yeesho qaar ka mid ah danjireyaashii dalalka ajaanibka ah ee xuskaas ka qaybgalay, kuwaasoo uu xogwaran ka siiyay xaalada Somaliland iyo marxaladdihii ay soo martay.
Cabdiraxmaan-Saylici wuxuu sheegay in Somaliland ku guulaysatay inay dalkeedda ka hirgeliso dawladnimo buuxda iyo afar doorasho oo u dhacay si xor ah.
Xuskan waxa loogu dabaal-degayay maalinta qaran ee Sweden ka dib markii 1916 qaranimadiisa la unkay.
Madaxweyne kuxigeenka oo hadda ku sii jeeda dalka Sweden, waxa kulankaas dhinaciisa ku weheliyay; wakiilka Somaliland u jooga dalka Itoobiya Aaden Nuux Dhuule, wasiir kuxigeenka Hawlaha Guud Cali Cabdi Saa’iq iyo Abiib Diiriye (Timo-cad) oo ah lataliyaha Madaxweynaha ee dhinaca siyaasadda.
Qurbejoog.com, Addis Ababa