Abwaan Hadraawi Oo Ka Sheekeeyey Hannaankii uu Uga Badbaaday Daadkii Qaaday Gaadhigii uu Watay
Burco:Mar,24,2015(SDN/QJ)-Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame(Hadraawi), ayaa ka Warramay Shil uu maalintii shalay kaga Badbaaday Daad baabuurkii uu watay ku qaadday Dooxa Dacar-budhuq ee u dhexeeya Magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa.
Abwaan Hadraawi oo u warramay Tv-ga Horn Cable, ayaa ka Sheekeeyey Qaabkii shilkaasi u dhacay, waxana uu xusay inuu Baabuurkiisii halkaas ku qallibmay, “ilaahay waxan ugu mahadnaqayaa inaan ka Badbaaday Tog Daafaha Maraya oo baabuukaygii baan ku fadhiyaye intuu is rogay uu daadkii raacay anna fadliga ilaahay aan kasoo baxay, Innta dhacdayna waa intaas.” Ayuu yidhi Abwaan Hadraawi.
Maxamed Ibraahim Warsame oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in ay Biyuhu soo gaadheen xilli Gaadhigu Togga dhex marayey, waxana uu yidhi,
“Toggu waa soconayey oo daafahaas ayuu marayey, baabuurkoo meesha taagan oo Biyuhu ay yaryihiin ayuu nagu soo dhacay, mana uu qaadan Baabuurkiiye wuu jiifsaday oo Afarta Taayir cirka u taagay, markaas ayaanu ka baxnay.”
Abwaanka oo ay xilliga shilkani ku dhacayey ay wehelinayeen Xaaskiisa iyo Nin kale oo la socday, ayaa sheegay inuu haatan caafimaadkiisu taam yahay waxana uu eebe ka sokow u mahadnaqay dadweyne u gurmaday sidii ay uga Badbaadin lahaayeen Daadkii qaatay,
“Shilkaasi waa jirey laakiin ilaaha Raxmaanka ah iyo umadda ayaa iga soo saaray, waxana aanu ahayn aniga iyo Islaantayda, waana arrin culus oo la yaable, caafimaadkuguna waa taam.” Ayuu yidhi Abwaan Hadraawi.
SDN/Qj
Contact@somalidiasporanews.com