|

Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid Oo Hargeysa Loogu Xidhay Maanso uu ku taageeray Weerarkii Daacish ku qaadday Magaalada PARIS

Hargaysa 12.Dec 2015 (SDN/QJ):-Ciidammada Ammaanka, ayaa xidhay Abwaanka da’da yar ee Cabdiwaaxid Gama’diid, ka dib markii uu Maanso uu soo saaray ku taageeray weerarkii kooxda Daacish bishii hore ku qaaddey Magaalada Paris ee Caasimadda Dalka Faransiiska.

ABWAAN-CABDIWAAXID-CALI-GAMADIID
Abwaan Cabdiwaaxid Gama’diid, oo Maalintii Shanaad ku xidhan Saldhigga dhexe ee Magaalada Hargeysa, ayaa loo xidhay inuu Maanso ku taageeray weerarkii Daacish ku dishay 130 Ruux ee ka dhacay Magaalada Paris, sida Wargeyska Himilo ay u sheegeen qaar ka mid ah Ciidammada ammaanku.

Cabdiwaaxid, ayaa Maansada uu ku taageeray Weerarka Daacish ku qaadday Paris oo uu ugu Magac dara ‘Isha Cali u Fiirsada’, waxa uu ku muujiyey in Weerarada kooxaha Islaamiyiinta ah ee Adduunku u yaqaanno argagixisada ka fulinayaan dalalka reer Galbeedku ay yihiin Nasri ay Muslimiintu muddo sugayeen.

Abwaanka oo sannadkii 2013-ka sidan oo kale loogu xidhay Hargeysa, ka dib markii uu Maanso ku taageeray weerarkii Al-shabaab ka fulisay suuqa West Gate ee Magaalada Nairobi, ayaa la filayaa in Maalmaha soo socda la hor-geeyo Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, sida loo sheegay Wargeyska Himilo.

Comments are closed